Baay{RBC Radio} Dagaaal qaraar oo gaystay qasaaro naf iyo maalba leh oo xalay ka dhacay magaalada Koronbood oo qiyaastii 10 km kaga beegan dhanka koorfureen degmada Qansax-dheere ee gobolka baay,
Dagaalka ayaa la tilmaamay in ay ku dhinteen ku dhowaad todobo Ruux oo ahaa ciidamadii ku dagaalamay halkaas waxaana ku dhaawacmaay intaas in ka badan.
Guddoomiyaha degmada Qansax-dheere Aadan Cabdi Qooqane oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay dagaalka qaadeen ciidamada dowladda oo gacan ka helaya ciidanka dalka Ethiopia waxa uuna sheegay in ay weerar ku qaadeen magaaladda Koronbood oo ay hore gacanta ugu hayeen ciidamada alshabaab.
Aadan Cabdi Qooqane ayaa xusay in ay gacanta ku dhigeen deegaanka Koronbood, ayna hadda ku sugan yihiin ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamada Ethiopia.
Deegaanka ay xalay dirirtu ku dhexmartay ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa Ethiopia ayaa maanta jawigeedu degenyahay waxaana caadi ku soo laabtay adeegyadii caadiga ahaa ee deegaanka Koronbood ee gobolka baay
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho