Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Taliyaha ugu sareeya Ciidamada Burundi oo maanta Muqdisho soo gaaray kulamana la qaatay madaxda dalka Soomaaliya

$
0
0

calanka burundiMuqdisho{RBC Radio} Taliyaha Ugu sareeya ciidamada dalka Burundi ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, wuxuuna kulamo la yeeshay madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kusimaha Raysul wasaaraha ahna wasiirka arimaha dibadda Fawsiyo yuusuf Xaaji Aadan wasiirka gaashaandhigga C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi waxayna ka wada hadleen arimo badan oo quseeya labada dowladood.

Taliyaha ciidamada dalka Burundi Niyongaba prime ayaa damaxda dowladda kala hadlay xiriirka labada wadan iyo sidii ay dowladda Burundi kor ugu sii qaadi lahayd taageerada ay siiso dowlada Federaalka   Soomaaliyeed,

Dhinaca kale  taliyaha ciidanka dowladda Burundi Niyongabo Prime ayaa waxa uu kulan la qaatay dhigiisa dalka Soomaaliya Sareeyo Guuto Daahir Aadan Cilmi “Indha qarshe” waxa ayna ka wada hadleen xaaladda ciidanka iyo dadaalka ay samaynayaan ciidamada Burundi oo ka tirsan ciidamadda nabad ilaalinta u jooga wadanka Soomaaliya.

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Gen.Daahir Aadan Cilmi  ayaa dhigiisa dalka Burundi uga mahad celiyay booqashada uu maanta ku yimid magaalada Muqdisho, waxaana ay kormeer ku sameeyeen xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga iyo goobo kale oo ay ku suganyihiin ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo ciidamadda Burundi.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles