Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Wasaaradda adeega Bulshada Soomaaliya oo 336 macalimiin udireysa gobollo katirsan Soomaaliya si waxbarasho lacag la’aan ah u dhigaan 22-sanno ka dib

$
0
0
Waxbarashada Soomaaliya oo bilaash laga dhigi doono

Waxbarashada Soomaaliya oo bilaash laga dhigi doono

Muqdisho[RBC Radio]Waxaa dhawaan lugu wadda in qeybo ka mid ah gobollada koonfured ee dalka Soomaaliya laga bilaabo waxbarasho bilaash ah oo ay ardeyda Soomaaliyeed ka faa’iideysan doonaan.

Wasaaradda adeega Bulshada Soomaaliya ayaa muddo muddo 22-sano kadib,waxay isku howshey sidii dalka looga hirgalin laha waxbarasho an wax qarash ah uga bixin ardeyda Soomaaliya oo intooda badan la tilmaamo in daruufo jira awgood aysan sii wadin waxbarashada iyagoo uga hara darajooyin hoose.

Sidoo kale war kasoo baxay Agaasinka waxbarashada hidaha sare iyo tacliinta ee wasaaradda adeega Bulshada ayaa lugu sheegey in la soo bandhigay natiijada imtixaan ay galeen macalimiin loo qaatay inay wax ka dhigaan iskuulada dowladda ee la doonayo in sida bilaashka ah wax loogu baro ardeyda Soomaaliyed.

Madaxa imatixaanadka macalimiinta la doonayo inay wax ka dhigan dugsiyada dowladda ee ku yaala gobollada dalka Axmed Maxamed Jimcaale ayaa sheegay in 425 ay galeen imtixaanaadka 336 macalimiin ahna ay ku guulesten imtixaanki laga qadey.

…”‘”"Waxaa imtixaan laga qadey macalimin gaareysa ilaa 425,waxana kusoo baxay imtixaankii laga qadey 336 macalimiin kuwaaso ka mid noqonaya macaliminta wax ka dhigi doono dugsiyada dowlada ee ay ardeyda Soomaaliyed sida bilaashka ah ku dhigan doonan…”"“ayuu yiri madaxa imtixaanadka Axmed Maxamed Jimcaale.

Ardeyda Soomaaliyed oo heli doonta waxbarasho lacag la'aan ah

Ardeyda Soomaaliyed oo heli doonta waxbarasho lacag la’aan ah

Axmed Maxamed Jimcaale waxaa uu inta ku darey in maantey tababar uu ugu furmi doono macaliminta magaaladda Muqdisho kuwaaso fikirkooda lugu mideen doono,waxana uu inta ku darey in ilaa lix ka mid ah gobollada koonfured ee dalka in lakala geen doono macalimintan si ay wax uga dhigan dugsiyada dowladda ee halkaa ku yaala.

Gobollada dalka ee ay aadi doonan macalimintan sida bilaashka ah wax ku baraya ardeyda Soomaaliyed ayaa waxaa ay kala yihiin Gobalka Shabeelaha hoose,Shabeelaha dhexe,Hiiraan,Galgaduud,Jubadda dhexe,halka gobollka Gedo isna maalmo kadib ay aadi doonan qeyb ka mid ah macalimiinta.

Tallaabadan ayaa waxaa ay noqoneysa mid laqaado muddo 22-sano kadib oo aysan helin ardeyda Soomaaliyed waxbarasho ay si bilaash ah ku dhigtaan.

____________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles