Muqdisho{RBC Radio} Taliska Ciidamada ilaalada wadooyinka ee Taraafikada ayaa dib u furay wadada xiriirisa KM4 iyo garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde,taliyaha ciidanka ilaalada wadooyinka Gen. Cali Xirsi Barre Cali Gaab iyo ciidan uu wato ayaa burburiyey Biro laga dhisay laamiga bartankiisa.
Gen. Cali Gaab oo warbaahinta la hadlayey ayaa sheegay iney tahay arin aan la aqbali karin in wado halbowlo u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka magaalada Muqdisho ay xirtaan hay’ado dano gaara ku wata,wuxuuna sheegay iney ka wareejiyeen biro waaweyn oo wada lagu gooyey.
Taliyaha Taraafikada ayaa sheegay iney maanta wadadaas ka bannaynayaan dhagxaan wali yaalla bartamaha Laamiga kuwaas oo caqab ku noqday in gaadiidku ay adeegsadaan wadadaas,wuxuuna tilmaamay iney wadada Xirteen hay’ado qandaraas kasoo qaatay Qaramada Midoobay sida uu sheegay.
Taliyaha ayaa intaa ku daray ineysan garaneen ujeedka ka danbeeya in la curyaamiyo isu socodka wado muhim u ah shacabka Soomaaliyeed,wuxuuna hoosta ka xariiqay ineysan u dulqaadan doonin in wadooyinka muhimka ah la xiro ciday doontaba ha ahaatee.
Gen. Cali Xirsi Barre Cali Gaab ayaa sheegay in wadadaas ay xiligan wixii ka danbeeya shacabka u furan tahay,balse wuxuuna tilmaamay in gaadiidku ay garoonka ka gali karaan balse kuwa kasoo baxa ay u qorsheeyeen iney maraan wado kale,wuxuuna shacabka ugu baaqay iney u hogaansamaan amarka kasoo baxay taliska Taraafikada.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho