Baydhabo[RBC Radio]Wararka ka imaanaya deegaano katirsan gobolka Baay ayaa soo sheegaya in halkaa xalay ay ka dhaceen dagaalo khasaare nafeed geestey.
Dagaaladan oo kadhacay deegaano kala gadisan,waxaa uu u dhaxeeyey ciidamada huwanta ah ee kusugan gobolka Baay ee ah kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwo Ethiopia,sidoo kale waxaa uu dagaal kale uu ku dhex marey gobollkaa xubno kawadda tirsan al-Shabaab.
Dagaalka ay wadda galeen ciidamada dowladda oo garabsanaya kuwo Ethiopia iyo al-Shabaab oo dhanic ah ayaa waxaa la xaqiijiyey inuu khasaare xooggan geestey,isagoona socdey muddo saacado ah.
Waxaa la soo sheegaya in ugu yaraan 7 qof ay ku dhinteen halka 15 kalena ay ku dhaawacmeen,waxana uu ka dhacay deegaanka Koronbood oo qiyaastii 10 km dhinac koonfur ka xiga degmada Qansax Dheere ee gobolka Bay.
Dagaalkan waxaa la tilmamaey inuu ka danbeeyey ka dib markii ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwo Ethiopia oo wada jira ay weerar ku qaadeen ururka Al-shabab oo halkaa gacanta ku haya.
Dadka deegaanka oo Raxanreeb.com la hadlayey ayaa caddeyey inay maqlayeen diryanka rasaasta ay adegsanayeen dhinacyadii wadda dagaalamey,waxana ay intaa ku dareen in muddo ku siman saddex saacadood uu socdey dagaalku.
Sidoo kale waxaa la sheegey inay ciidamadu ku guul daresteen inay gacanta ku dhigaan deegaankii ay weerarka ku qaaden,oo ay wali gacanta ku hayaan xoogga al-Shabaab oo markii hore iyagu ka talin jirey.
Dagaalkan waxaa kalo uu galaftey dhowr iyo toban guri iyo goobo ganacsi uu dab qabsaday kuna gubteen intii uu dagaalka socday.
Deegaanka Koronbood ee ay duulanka ku soo qaaden ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia ,waxaa wali ku sugan al-Shabaab,waxana war saakey laga helayo uu sheegaya in xaaladda deegaankaasi ay dagantahay.
Dhinaca kale waxaa uu dagaal ka dhacay degmada Diin -Soor ee isla gobolka Bay halkaaso uu u dagaalku ku dhexmerey labo xubnood oo kawada tirsana ururka al-Shabaab.
Khasaaraha dagaalka dhex marey al-Shabaab ayaa la tilmaamey inuu xooggan,waxana sidoo kale qar ka mid ah shacabka ku dhaqan degmada ay sheegen in labada dhinac ee kawada tirsan ururka ay iska dileen horjooge kooxda ka tirsan oo magaciisa lagu soo gaabiyay Sheekh Xuseen.
Si kasta oo ay noqotaba waxaa uu dagaalkan imanaya xili ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Baay,ay sheegen inay duulan ku yihiin deegaanada ay gacanta ku hayaan xoogga al-Shabaab.
____________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio