Dhuusamareeb{RBC Radio} Gudoomiyaha golaha fulinta ururka ahlu sunna waljamaaca Cabdi Cali Fiidow ayaa ka dhawaajiyey inuu diyaar u yahay wareejinta xilka uu hayo hadii ay sidaas goostaan golayaasha ahlu sunna,Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud oo fariisin u ah masuuliyiinta ahlu sunna ayaa waxaa ka socda qaban qaabada shir la doonayo in xilka looga xayuubiyo gudoomiyaha golaha fulinta ahlu sunna waljamaaca Cabdi Cali Fiidow.
Golaha tashiga ahlu sunna ayaa la filayaa iney saacadaha soo socda kulan ku yeeshaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud si ay xilka qaadis ugu sameeyaan gudoomiyaha golaha fulinta maamulkaas oo ay ku eedeynayaan wax qabad la’aan iyo inuu hareer maray ballan qaadkiisii ahaa meelmarinta hawlihii loo igmaday.
Cabdi Cali Fiidow ayaa sheegay inuu ku qanacsan yahay hadii xil ka qaadis lagu sameeyo,wuxuuna daboolka ka qaaday inuu si aan la leexleexad lahayn xilkaa u wareejinayo,Fiidow ayaa tilmaamayn inuu isagu aaminsan yahay inuu ku guuleystay hawshii loo xilsaaray,wuxuuna carrabka ku dhuftay tallaabooyin dhowr ah oo uu qaaday mudadii uu xilka hayey kuwaas oo sida uu sheegay uu guulo kasoo hooyey.
“hadii aan ka shaqeeyey saxiixa heshiiska dowladda iyo ahlu sunna,hadii aan gobolka keenay gudoomiye aan kumeelgaar ahayn,hadii aan ciidamadii maamulka ahlu sunna si buuxda ugu wareejiyey gacanta dowladda federaalka,waxaan aaminsanahay inaan gutay shaqadii la ii doortay”sidaasi waxaa sheegay Cabdi Cali Fiidow gudoomiyaha golaha fulinta ahlu sunna.
Cabdo Cali Fiidow ayaa qiray inuu dhammaaday waqtiga xubnaha golaha fulinta ahlu sunna balse wuxuu xusay in isaga waqtigiisa ay ka harsan tahay Sanad iyo Lix Bilood sida uu sheegay,wuxuuna carrabaabay inuu ku faraxsan yahay go’aan walba oo ay gaaraan golaha tashiga ahlu sunna oo markii horaba isgaa soo doortay.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho