Muqdisho{RBC Radio} Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka jawaabtay cabashada ay beelaha qaar ka muujiyeen heshiiskii dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubba ay ku gaareen magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Ethiopia,afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya ahna la taliyaha madaxweynaha Inj.C/raxmaan Cismaan Cumar Yariisow ayaa sheegay in heshiiskaasi uu ahaa guul usoo hoyatay Soomaaliya.
Afhayeenka madaxtooyada ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay iney qancsi cid walba oo qaadacsan qaabka uu u dhacay heshiiska ay kala saxiixdeen dowladda iyo maamulka Jubba ee uu hogaamiyo Axmed Maxamed Islaam,wuxuuna tilmaamay inuu heshiiskaasi uu ahaa bilow wanaagsan dhammaystirkiisane looga wada fadhiyo dhammaan beelaha Soomaaliyeed ee wada daga gobolada Jubada hoose,Jubada dhexe iyo Gedo oo dowladdu ay Muqdisho ku casuuntay.
Inj. Yariisow ayaa tibaaxay in dowladda federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay iney qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed fursad usiiso ka qaybgalka masiirka iyo aaya ka talinta dalka,wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in midnimada ummadda Soomaaliyeed ay tahay waxa kaliya ee dowladda ay dooneyso.
“Dowladda waxaa ka go’an wixii Soomaalida dhexdeeda ah in lagu xaliyo wada hadal iyo heshiis,go’aanka Addis ababa wuxuu ahaa bilow hawlaha dhimman iyo dib u heshiisiinta beelaha waxaa looga arinsanayaan shirka Muqdisho ka dhacay ee dowladdu ay ku baaqday”ayuu yiri afhayeenka Madaxtooyada Inj. C/raxmaan Yariisow.
Shalay ayey ahayd markii dibadbax looga soo horjeedo qaabka uu u dhacay heshiiskii Addis ababa lagu qabtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay,afhayeenka dhaqanka beelaha Digil iyo Mirifle Malaaq Cali C/raxmaan Shiine oo ka mid ahaa madax dhaqameedkii bannaanbaxa soo abaabulay ayaa wax aan la qaadan karin ku tilmaamay heshiiska Addis ababa,wuxuuna intaa raaciyey iney xiriirkii u jareen dowladda federaalka Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho