Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Musharax Cali Cabdi Awaare oo Taageero ka Helay Issimada Iyo Nabadoonada gobolka Karkaar [Sawirro]

$
0
0

SONY DSCQardho[RBC Radio] Kulankaan oo ahaa mid aad u balaaran ayaa waxaa ka soo qeybgalay Isimada,Nabadoonada,Maamulka Degmada,kan gobolka, Dhalinyaro Qurbajoogta,Ururada Haweenka,waxaana laga soo jeediyey khudbado u badan taageeridda loo haayo Musharax Cali Cabdi Awaare.

 Maamulka Degmada Qardho oo ugu horeyntii ka hadalay Kulankaani ayaa sheegay in ay soo dhaweenayaan Musharax Cali Cabdi Awaare oo noqday musharixii ugu horeeyey ee soo gaara magalada Qardho ee xarunta Gobolka karkaar,waxa ayna sheegeen in Mudane Awaare yahay nin wax weyn u qabtay dadka reer Puntland qofwalbana yaqaan waxyaabihii u usoo qabtay iyo kaalinta uu ugu jiro Shacabka reer Puntland.

Cali Cabdi Awaare Musharaxa u taagan xilka madaxtinimada Maamul Goboleedka Puntland ayaa sheegay in uu doorashadii hore isku soo taagay xilka madaxweynaha laakiin uusan helin,waxa uu sheegay in uu rajeenayo in uu ku guuleysandoono jagada uu ololaha ugu jira,waxa uu xusay in uu yahay shaqsi ka shaqeeyo nabadda isku keenidda shacab ka reer Puntland,kuna sugnaa dalka xaaladaha ay kusuganyihiin dadkana in badan ka war haya.

SONY DSC

Nabadoon Cismaan Ciise Fikat oo ka hadalay kulankaani ayaa soo dhaweeyey musharax Cali Cabdi Awaare,waxa uu sheegay in uu yahay shaqsi u qalmo jagada oo isku soo taagay ayna soo dhaweenayaan Musharaxnimadiisa.

Xildhibaan Cabdiqaadir Siciid Caarshe oo xaflada ka hadalay ayaa sidoo kale soo dhaweyey Musharax Cali Cabdi Awaare oo ku tilmaamay shaqsi aan waligiis la eed sheegan danbina ka galin shacabka,intii uu xilka hayeyna dadka ay u sinaayeen,waxa uu tilmaamay in uu ka soo bixi ka ro xilka oo isku soo taagay.

Ururada Haweenka oo ka hadalay kulankaani aya asheegay in si niyad ah ay u taageersanyihiin Musharax Cali Cabdi Awaare waxa ayna tilmaameen in ka haween ahaan aay aad u so dhaweenayaan Musharaxnimadiisa.

Inta badan Nabadoonadii ka hadashay Kulankani ayaa si islamid ah waxa ay taageero buuxdo siiyeen Musharax Cali Cabdi Awaare oo ay ku tilmaameen in u qalmo xilka uu u tartamayo,waxana maanta kulanka laga dareemay sida loogu qanacsanyahay xilka oo isku soo taagay Musharax Cali Cabdi Awaare.

Dadkii ka hadalay Kulanka.

Nabadoon Cismaan Ciise Faarax Fikat.

Nabadoon Cabdi Jaamac  Buryar.

Nabadoon Ciise Yuusf Guuleed.

Islaan Maxamuud Yaasiin

Islaan Mahad Sandheere.

Jinow Busur Ciise.

Faadumo Cabdi Slaan.

Xildhibaan:Cabdiqaadir Siciid Caarshe.

Cali Baashi Siciid Aw-muushe.

Gudoomiyaha Gobolka karkaar Cabdiqyr’aan Maxamed Aadan.           

Gudoomiyaha Degmada Qardho: Maxamed SIciid Ciise Hogamo-laror

Waceys Ceyduruus Guure.

C/llaahi Gelle Maxamuud.

Musharax Cali Cabdi Awaare ayaa shalay si weyn loogu soo dhaweeyey magaaladda Qardho ee xarunta gobolka Karkaar,waxaana la filayaa in Musharaxu uu gaaro deegaano kale oo Puntland ka tirsan si uu ugu fidiyo Ololihiisa Doorashada.

SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC

_____________________

Cabdirixmaan Black

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles