Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

kulan looga hadlayay sidii loo hormarin lahaa Adeegayada caafimaadka ee gobolka Banaadir oo Muqdisho maanta lagu qabtay

$
0
0

astaanta banaadirMuqdisho{RBC Radio} Kulan balaaran oo maaanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay sidii kor  loogu qaadi lahaa hormarinta adeegyada Caafimaadka magaalada Muqdisho , waxaana kulanka ka soo qayb galay xubno ka socday maamulka gobolka Banaadir,xukuumadda, iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Wasiir kuxigeenka Wasaarada hormarinta Adeega Bulshada xukuumada  Maxamuud Macalin Yaxye oo kulanka ka hadlay  ayaa sheegay in kawasaarad ahaan ay dhexda u xiran doonaan sidii  ay Bulshadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho ay u heli lahaayeen daryeel caafimaad oo dhamaystiran.

Gudoomiye kuxigeenka gobolka Banaadir ee dhanka arimaha bulshada iyo Siyaasada Cali Axmed Guure ayaa isna dhankiisa tilmaamay iney aad u soo dhoweeynayaa ayna ku faraxsanyihiin kulanka maanta diirada lagu saaray sidii shacabka ku nool caasimadda Muqdisho ay u heli lahaayeen adeegyada  Caafimaad ee ay u baahan yihiin,wuxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney gacan ka geystaan hirgalinta Mashruucaas.

Dhanka kale Xildhibaan Maxamed Warsame Feysal ahna gudoomiyaha gudiga Adeega Bulshada ee Baarlamaanka Somaliya oo madasha kulanka ka hadlay ayaa ugu baaqay  masuuliyiinta maamulka gobolka  Banaadir iyo gudoomiyaasha 17ka degmo ee gobolku iney hawshan iska kaashadaan

Wasiir kuxigeenka Wasaarada Adeega Bulshada Maxamuud Macalin Yaxye ayaa ku soo gunaanaday kulanka baaq uu u diray dhammaan madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed,wuxuuna ugu baaqay in ay isku duubni la yimaadaan,wuxuuna xusay in sida kaliya ee lagu gaari karo bulsho caafimaad qabta iney tahay in shacabku ay gacmaha isqabsadaan.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles