Jidda{RBC Radio} Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid oo maanta gaaray magaalada jidda ee caasimadda dalka Sucuudi Carabiya ayaa waqtiyada soo socda lafilayaa in uu kulamo la qaato wasiirada arrimaha dibadda iyo gudaha ee dalka Sucuudi Carabiya.
Afhayeenka xukummadda federaalka Soomaaliya Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa sheegay in raysul wasaare Saacid uu kala hadli doono masuuliyiinta uu kulmada la qaadan daano sidii kor loogu qaadi lahaa taageerada dowladda dalka Sacuudi carabiya ay u fidiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed
Ridwaan Xaaji Cabdiweli Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya ayaa tilmaamay in raysul wasaaraha Soomaaliya uu casuumaad rasmi ah ka helay Dowladda Sucuudiga, wuxuuna sheegay in uu raysul wasaaruhu uu u bandhigi doono madaxda uu kulamadda laqaadanayo horumarka nabadeed iyo kan siyaasadeed ee laga gaaray wadanka Soomaaliya
Raysul wasaarrah Xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon ayaa dhanka kale lagu wadaa in uu caawa kulamo la yeesho jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Sucuudiga, waxaana la filayaa in uu kala hadlo dib u dhiska Soomaaliya iyo sidii ay dalka dib ugu noqon lahaayeen wadankooda Hooyo.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho