Muqdisho{RBC Radio} Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya mudane Xasan SHeekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay in horaanta bisha soo socota ee Sep. magaalada Muqdishon ee caasimadda Soomaaliya lagu qabanayo shir weyne Qaran oo looga arinsanayo aayaha dalka Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan SH Maxamuud ayaa tilmaamay in shirkaas lagu casuumay Labo boqol oo ruux kuwaas oo ka kala imaanaya qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dunida daafaheeda,wuxuuna sheegay in shirkaas uu Muqdisho ka furmayo 2da bisha soo aaddan ee Sep.,madaxweynaha ayaa xusay iney shirka looga wada tashan doono Mustaqbalka Siyaasadeed ee dalkeenna Soomaaliya.
Xasan SH Maxamuud madaxweynaha dalka ayaa tilmaamay iney aaminsan yihiin in shirkaasi uu wax weyn ka bedeli doono siyaasadaha Murugsan ee dalka,madaxweynaha ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in shirkaas ay ka soo bixi doonaan go’aano wax ku ool ah oo u caga dhiga Siyaasadaha isdiidan ee dalka ka jira.
Madaxweyne Xasan SH Maxamuud ayaa dhanka kale baaq u diray dadka dhaliilsan Siyaasadda dowladda uu hogaaminayo,wuxuuna ku baaqay in la joojiyo dacaayadaha aan salka lahayn,Xasan SH ayaa xusay in dowladiisu ay diyaar u tahay iney la fariisato cid walba oo dhaliilsan shakhsi ahaantiisa iyo dowladda uu madaxweynaha ka yahay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan SH Maxamuud ayaa kula dardaarmay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed iney u guntadaan sidii dalka looga saari lahaa dhibaatada dabada dheeraatay ee uu kusoo jiray 23kii sano ee u danbeeyey.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho