Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20180

R/wasaare Saacid oo gaaray magaalada Jiddah ee Boqortooyada Sucuudiga

Image may be NSFW.
Clik here to view.
saacid
Jiddah{RBC Radio}
R/wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid iyo wafti uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Jiddah ee boqortooyada  dalka Sucuudiya Carabiya,R/wasaaraha ayaa waxaa safarkiisa Sucuudiga ku wehlinaya xubno ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya.

R/wasaaraha ayaa waxaa si diiran gagida diyaaradaha magaalada Riyaad ugu soo dhaweeyey masuuliyiin ka socotay dowladda boqortooyada Sucuudiga iyo masuuliyiinta Safaarada Soomaalida ee dalkaas,waxaana waftiga loo galbiyey aqalka martida ee magaalada Jiddah.

Safarka R/wasaaraha ayaa la sheegay inuu la xiriiro gudashada Acmaasha diiniga ah ee Cumrada,waxaana lagu wadaa in marka uu soo gabagabeeyey Cumrada uu ku joogo dalkaas  inuu kulamo la qaato madax sare oo ka tirsan dowladda dalka Boqortooyada Sucuudiga iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankaas.

R/wasaaraha Cabdi Faarax Shiirdoon saacid ayaa la filayaa inuu masuuliyiinta Boqortooyada Sucuudiga kala hadlo xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii xukuumadda Riyaad ay kaalin libaax leh uga qaadan lahayd dib u dhiska dalka Soomaaliya,Sucuudiga ayaa ka mid ah wadamada Carbeed ee Saamaynta ku leh Siyaasadda Soomaaliya.

 

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20180

Trending Articles