Gaalkacyo[RBC Radio]Wafti uu hor-kacayo guddoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey)ayaa garey degmada Xarfo ee gobolka Mudug.
Socdaalka waftiga guddoomiye Tigey ee degmada Xarfo ayaa quseeyey sidii uu wax uga ogan lahaa xaaladda ka jirta degmada Xarfo,waxana guddoomiyaha iyo waftigii la socdey si diiran loogu soo dhaweeyey afaafka hore ee degmada Xafro halkaaso oo ay uga hortageen masuuliyinta degmada oo uu hor-kacayo guddoomiyaha Xarfo iyo dadweyne kale.
Maxamed Yuusuf Jaamac guddoomiyaha gobolka Mudug waxaa uu kulan la qaatey xiligii uu gaarey degmada Xafro maamulka degmada iyo qeybaha bulshada ee ku dhaqan Xarfo,waxana uu kala hadley intii uu kulan kooda socdey xaaladda ka jirta degmada iyo horumarka degmada ay ka gartey muddoyinkii danbe wax yaalaha aasasiga uu ah bulshada sida waxbarashada,caafimaadka iyo horumarka guud.
Guddoomiyaha gobolka Mudug waxaa sidoo kale uu qalab xafiised guddon siiyey ururka dhalinyarada degmada Xarfo.
Munaasabad koobon oo loo qabtey waftiga guddoomiyaha gobolka Mudug,ayaa waxaa hadal soo dhaweyn ah ka jeediyey guddoomiyaha degmada Xarfo Cabdulaahi Faarax Bayle,waxana uu hadalkiisa kusoo dhaweeyey waftiga guddoomiyaha.
Cabdulaahi Faarax Bayle guddoomiyaha degmada Xarfo waxaa uu inta ku darey in ujeedka imaatin ee ay waftigaan degmada u yimaaden ay tahay sidii uu guddoomiyaha gobolka Mudug u guddoonsinlaha agab xafiised loogu tala galey ururka dhalinyarada Xarfo.
Sidoo kale waxaa isna hadal munaasabada ka jeediyey guddoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey)waxana uu kula dar daarmey dhalinyarada degmada Xarfo inay ka shaqeeyan horumarka deegaanka.
Ugu danbeyntii waxaa uu guddoomiyuhu ugu baaqey dhalinyarada degmada Xarfo inay isku dubni ayna kuwada shaqeeyn sidii degmada ay ugaari laheed horumar muqda.
Horey maamulka gobolka Mudug waxaa ay agab xafiides guddoonsiyen ururada dhalinyarada ee ka dhisan degmooyinka gobolka Mudug.
Hoos ka daawo muqaal ay Raxanreeb.com idin kaga diyaarisey safarka guddoomiyaha uu ku tagey degmada Xarfo.
_______________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio
Xafiiska Gaalkacyo