Muqdisho[RBC Radio]Dhawaan ayaa waxaa lugu wadda in magaaloyinka Muqdisho iyo Kismaayo ay ka furmaan shirar kala gadisan oo ay isugu imaan doonan xubno ka kala socda dowladda faderaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubba.
Shirarkaan ayaa lugu doonayo in lugu xoojiyo heshiis ay wada gaaren DFS iyo maamulka Jubba,kaaso ay kusoo gaaren magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.
Wasiiru-dowlaha madaxtooyada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabduqaadir oo warbaahinta kula hadlayey magaaladda Muqdisho ee casuumada Soomaaliya ayaa waxaa uu caddeyey in dhawaan ay shirar kale la qaadan doonan xubno kasocda maamulka Jubba ee horey loo oran jirey Jubbaland.
Faarax Sheekh Cabduqaadir waxaa uu intaa ku darey in ujeedada kulamaada ay yihiin kuwo ay labada dhinac isla garteen in lugu xoojiyo heshiiski ay ku kala saxiixden Addis Ababa.
….”"”Dhawaan waxaa dhici doona shirar kale oo lugu xoojinayo heshiiska Addis Ababa an kusoo garney,waxana isla garaney inan isku aragno Muqdisho iyo Kismaayo,ujeedadoonada waxaa ay tahay in la xoojiyo heshiiski horey u dhacay…”"”ayuu yiri Faarax Sheekh Cabduqaadir.
Wasiiru-dowlaha madaxtooyada waxaa uu tilmaamey in la doonayo inusan mardanbe khilaf dhex imaan dowladda iyo maamulka Jubba ee saldhiggisu yahay Kismaayo.
…”"”Waxan marwalba ku dadaali doona inusan khilaaf danbe kusoo dhex laaban dowladda iyo maamulka Jubba,waxan ka hortagi doona wax kasoto oo la is yirahdo waxay dhalin karan is-fahan waa markale ku soo dhex labta labada dhinac,waana arrinta kentey in shirar kale lugu balamo kuwaaso guddaha dalka ka dhacaya…”"”ayuu sheegey Faarax Sheekh.
Sidoo kale Faarax Sheekh Cabduqaadir waxaa uu hadalkiis kusoo qadey in xiligan waxaa loo bahan yahay ay tahay in dadka ku dhaqan Jubbooyinka ay helaan maamul ay ku qanacsanyihiin oo loo dhanyahay.
Ugu danbeenti hadalkiisa waxaa uu baaq udirey shacabka ku nool gobollada Jubbooyinka,waxana uu ku booriyey inay u istaagan ka shaqeynta nabadd galyadda dhulkooda.
Hadalkaan Wasiiru-dowlaha madaxtooyada Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabduqaadir waxaa uu imanaya xili dhawaan magaaladda Addis Ababa ee dalka Ethiopia lugu soo gaba gabeeyey khilaaf mudo dhexyaaley dowladda iyo maamulka ka dhisan gobollada Jubboyinka.
_________-
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio