Garoowe[RBC Radio] Dowladda Puntland ayaa muddo kooban ku xirtay gudaha Saldhiga magaaladda Garoowe ee caasimada Puntland Weriyaal ka tirsan Telefishinka Caalamiga ah Channel 4 ee dalka Ingiriiska,kuwaas oo hawlo shaqo u jooga Puntland gaar ahaana Caasimada.
Ciidamada Booliska ee Garoowe ayaa labada Suxufi oo lagu kala magacaabo Jamaal Cismaan iyo Axmed Faarax Saacado kooban ku xiray Xabdhiga,waxaana laga hor Istaagay Shaqadii ay wateen oo ahayd Barnaamij ay diyaarinayeen arrimaha Burcadbadeeda.
Dowladda Puntland ayaa u fasaxday Suxufiyiinta Telefishinka Channel 4 Jamaal Cismaan iyo Axmed Faarax in ay bilaaban karaan hawlahooda shaqo oo ay u Yimaadeen Puntland.
Ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay magaaladda Garoowe ayaa ku tilmaamay Xariga Jamaal Cismaan iyo Axmed Faarax mid laga Xumaado.
Guddoomiyaha Ururka MAP Burhaan Axmed Daahir oo faah-faahin kooban ka bixiyey Tacadiga iyo Is hortaaga shaqo ee lagu sameeyey Suxufiyiinta ayaa sheegay aysan ahayn arrin aan la aqbali Karin isla markaana hareermarsan Qawaaniinta.
Mudane Burhaan Axmed Daahir ayaa sheegay in Wariyaashu dalka kusoo galeen qoraal sharci ah taasoo ay ka Codsadeen Wasaaradda Warfaafinta Puntland iyaduna ay u Ogolaatay iney Puntland ka diyaariyaan Barnaamij ka sheekeynaya saameynta Puntland ay ku reebtay Burcadbadeedu.
….””” Amarkaas,waxaa bixiyey Wasiirka Warfaafinta Puntland Axmed Shiikh Jaamac,Weriyaashaas inta aaney dalka soo gelin ayey soo qorteen qoraal ay kusoo Codsanayaan in shaqada ay dalka ka qabanayaan loo Ogolaado,Wasaaradda Warfaafinta ay usoo qorteen ayna kusoo Cadeeyeen shaqada ay ka qabanayaan Puntland….””ayuu yiri Burhaan.
Wuxuu tilmaamay in marar badan Warbaahinta iyo Dowladda Puntland isku dayeen in arrimaha Khilaafaadka ee dhexyaala xalistaan balse taasi iminka ay kasoo dareyso loona baahneyn iney si socdaan.
….””” Wax badan ayaan Isku daynay in arrimaha Saxaafada anaga iyo dowladuu wada Xalino laakiin sida noo muuqata arrimahaasi wey ka si darayaan….””ayuu yiri Guddoomiye Burhaan Axmed Daahir.
Dhaliisha Wasiirka Warfaafinta Puntland
Guddoomiyaha Ururka MAP Burhaan Axmed Daahir ayaa si kulul u eedeeyey Wasiirka Warfaafinta Puntland Proff Axmed Shiikh Jaamac Isagoona sheegay in Wasiirka ay ka filaayeen in uu Isbadel muuqda la yimaado balse uu Xadgudubyo muddo kooban uu Saxaafada kaga galay.
….””Wasiirka Warfaafinta ee Cusub ee aanu rajeyneynay inuu Isbadel la yimaado mudadii yareyd uu joogay,waxa uu marayaa oo wax kaliya uu qabtay waxa weeye xadgudubyo uu Saxaafada ka galay mar si aanan garaneyn oo nidaam hada lagu joojiyey iyo waxa uu kusoo eedeeyey….””ayuu yiri.
Jamaal Cismaan oo ka tirsan Telefishinka Channel 4 ee dalka Ingiriiska ayaa sheegay in Imaatinkooda Garoowe ay la kala kulmeen Ciidamada Booliska Is hortaag dhanka Shaqadooda ah,wuxuuna tilmaamay in ay wateen Waqad u fasaxeysay iney Puntland ka duubaan Barnaamij Burcadbadeeda ka Sheekeynaya.
…”” Saddex maalmood ka hor baan Garoowe nimid,maalinkii markaan Garoowe soo galeynay Kantaroolka waa nalagu dhibay xoogaa,Warqad cadeyn ah oo aan haynay baan tusnay,waxaa nala yiri dad ajnabi ah baad tihiin cadeyn baan la idin ka baahanyahay…..”””ayuu yiri Jamaal Cismaan.
Wuxuu intaas ku daray in labada mar ee la xiray loo sheegin sababta lagu haysto iyo sababta lagu sii daayey balse wuxuuna meesha ka saaray in Puntland marar badan oo u yimid si fiican uga shaqeeyey.
….””Sabab naloo xiray nalooma sheegin,wax sabab ah oo naloo siidaayeyna nalooma sheegin in kastoo si fiican noola dhaqmeen hadana,waxaa dhacday in mar kale anagoo meel Radio ah wax ku duubeyna askar ay noo timaado ….””ayuu yiri.
Maahan oo kaliya labada Suxufi ee xariga loo geystay balse Zakariye Khaliif Faarax oo ka tirsan TV-ga Caalamiga ah ee Universal ayaa isana Ciidamada Booliska Garoowe u geysteen Jirdil iyo xarig taasoo ilaa hada aan la aqoon waxa loo qoonsaday,waxaana si weyn uga Xumaaday Suxufiyiinta Puntland.
Si kastaba Jamaal Cismaan iyo Axmed Faarax ayaa Saacado ka dib dib u helay Xoriyadoodii,waxaana dib loogu fasaxay hawlahoodii shaqo.
_______________________
Cismaan Turaabi
RBC Radio