Muqdisho{RBC Radio} Gudoomiyaha gobolka Hiiraan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta booqasho ku tegey Deegaanka Deefow oo ka tirsan gobalka Hiiraan waxaana halkaas dhawaan ku dagaalamay labo Beelood oo walaalo ah.
Gudoomiyuhu ayaa u tegey halkaas inuu dhexdhexaadiyo Beelaha wada dhashay ee dirirtu dhex martay degmada Deefow.
Cabdi Faarax Laqanyo oo ay ku wehlinayeen safarkiisa saraakiil ka Tirsan Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM gaar ahaan ciidamada Jibuuti ee ku sugan Gobalkaasi iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka
Markii ay gaareen gudoomiyaha gobolka Hiiraan iyo wafdigii uu hogaaminayay deegaanka Deefow ayaa waxa uu hadal u jeediyay dadka deegaankaisag oo usheegay in ay dhowraan walaaltinimada iyo Ehelnimada ay iska mudan yihiin.
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo ayaa ka warbixiyay ujeedada safarkiisa, wuxuuuna sheegay inay halkaasi u yimaadeen sidii ay nabad u kala dhex dhigi lahaayeen beelihii ku dagaalamay deegaanka deef,ayna hadda meel wanaagsan ay u marayaan dhexdhexaadinta ay ka dhex wadaan labada Beelood.
Gobolka Hiiraan ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa ku soo noqnoqday dagaalada dhexmaray Beelaha walaalaha ah ee ku wada nool gobolkaasi.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho