Muqdisho{RBC Radio} Golaha wasiirada xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaatay kulan koodii todobaadlaha ahaa, waxaana shir gudoominayay Raysul wasaaraha Soomaaliya mudane C/faarax Shiirdoon Saacid waxayna uga doodeen shirkooda todobaadlaha ahaa qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin qorshaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyo heshiiskii magaalada Addis Ababa ay ku kala saxiixdeen dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamulka jubbaland.
Kulan ka ayaa ugu horeyn waxaa warbixin looga dhegeeystay wasiirka wasaarada arimaha gudaha mudane Cabdi kariim Guuleed, waxuu warbixin ka siiyay xaaladda amni ee dalka,isagoo hoosta ka xariiqay in todobaadyadii lasoo dhaafay ay ciidamada qalabka sida xaqiijiyeen xaalada amni ee dalka gaar ahaan caasimada wadanka Soomaaliya.
Kulanka ayaa markuu Soo gunaanadmay waxaa warbaahinta uga waramay Afhayeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Ridwaan Xaaji Cabdi Wali wuxuuna sheegay in kulanka golahu maanta qaatay diiradda lagu saaray xaaladda anmi ee dalka.
Afhayeenka ayaa dhanka kale xusay in golaha xukuumadda ay ka doodeen heshiiskii magaalada Addis Ababa ay ku kala saxeexdeen Dowladda iyo maamulka Jubbaland, waxayn Goluhu si diiran u soo dhoweeyeen ayna u ansixiyeen heshiiskaas.
dhanka kale Afhayeenka ayaa tilmaamay in ay golaha wasiiradu ay ansixiyeen qorshaha Booliska ee Afarta sano ee soo socota lagu maarayn doono,qorshaha ayaa ah mid lagu hormarinayo tirada,tayada iyo tababarka ay qaadanayaan ciidamada booliska Soomaaliyeed.
sidoo kale Raysul wasaarah xukuumada Soomaaliya mudane C/faarax Shiirdoon ayaa qaabilay wafdi ka socday Qaramada Midoobe iyo Midowga Afrika.
Amb. walid musa oo ka socday waaxda ciidamada qaramada midoobe iyo Mahamat Saalah Anna diif waxayna kulan ka yeesheen arimo ku saabsan sidii loo balaarin lahaa howlaha ciidamada AMISOM ee nabad dhalinta u jooga wadanka Soomaaliya.
Waxa hadlay kulanku markuu soo dhamaaday Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay ka wada hadlee Raysul wasaaraha iyo wafdiga ka socday Qaramada Midoobe iyo Midowga Afrika sidii hawlgalka AMISOM loogu bedeli lahaa magaca Maramada Midoobe ku howlgala, wuxuuna Afhayeenku sheegay in ay wafdigaan booqan doonaan qaar ka mid ah gobolada dalka oo ay ku sogan yihiin ciidamada AMISOM.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho