Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Raysul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo maanta kormeeray xarunta Bankiga dhexe ee Soomaaliya

$
0
0

 

Muqdisho{RBC Radio} Ra’iisul wasaaraha xukuumada Federaalka Sraysal wasaare saacidoomaaliya mudane C/faarax Shiirdoon Saacid ayaa maanta kormeeray xarunta Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, waxaana halkaas ka socday mushaar bixinta hay’adaha dowladda kuwooda rayidka ah, waxaana safarkiisa ku wehelinayay wasiirka wasaarada Maaliyadda mudane Maxamuud Xasan Sulaymaan iyo masuuliyiin kale.

Mashruucaan mushaarka lagu siinayaya sheqaalaha dowlada oo ay iska kaashadeen dowladda Soomaaliya iyo dowladda Norwey.ayaa waxaa bixinayay wasaarada Maaliyadda Soomaaliya, waxaana mushaarka loo bixinayay qaab casri ah,  wanaa markii ugu horeysay oo wadanka  Soomaaliya laga hirgeliyo qaabkaan casriga ah oo lagu ogaanayo qofka xogtiisa.

Raysuwasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa kormeeray xafiisyada Bankiga dhexe iyo goobta ay ka socotay mushaar bixintu wuxuuna u kuurgalay qaaabka loo bixinayay mushaarka shaqaalaha dowlada oo  maanta ka bilaabatay Bankiga dhexe ee Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumada Soomaaliya  mudane maxamuud xasan sulaymaan ayaa uga waramay  Raiisul wasaare Saacid  qaabka ay u bixinayaan mushaarka  wuxuuna sheegay in ay kala qayb qaadanayso dowlada Norwey oo uu sheegay in ay  ugu deeqday dhaqaalaha ay maanta bixinayaan.

“Bankigu maanta wuxuu bilaabay mushaar bixintii ugu horeysay ee laga bixinayo xisaabta  mashruuca loo yaqaano Special Financial Facilityl {SFF}  waxana mashruuca iska kaashanaya dowladaha Soomaaliya iyo Norwey oo muddo sideed bilood laga soo shaaqaynayay sidii loo hirgelin lahaa” ayuu yiri wasiirka maaliyada SoomaaliyaMaxamuud Xasan Sulaymaan.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

 

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles