Garoowe[RBC Radio] Dawladda Puntland ayaa dib u fasaxday mar kale shaqadii TV-ga Qaranka Soomaaliyeed uu ka hayey deegaanada Puntland taasoo hagad la geliyey muddo 10-beri ah oo lagu sheegay baaritaan.
Warsaxaafadeed maanta kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Warfaafinta Dawladda Puntland ayaa lagu sheegay in TV-ga Qaranku dib u bilaabo karo hawlihiisii shaqo ee Puntland.
TV-ga Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV ayaa dhawaan Wareegto kasoo baxday Wasaarada Warfaafinta Puntland lagaga joojiyey muddo 10-maalmood ah shaqadii TV-ga ee deegaanada Puntland.
Wasaaradda Warfaafinta ee Puntland ayaa sheegtay in xal laga gaaray khilaafkii jiray isla markaana ay Wakiilada u jooga Puntland TV-ga Isku afgarteen wada shaqeyn ku dhisan Anshax Saxaafadeed.
Ma sheegin Wasaaradda Warfaafintu mad madowgii jiray ee u dhaxeeyey Wasaarada iyo TV-ga Qaranka Soomaaliyeed taasoo keentay in gebi ahaanba la Joojiyo hawlihii shaqo ee TV-ga deegaanada Puntland.
Sidoo kale Madaxda TV-ga Qaranka Soomaaliyeed kama aysan hadlin khilaafka jiray iyo qodobada lagu heshiiyey midna.
Dadka sida gaarga ah ula socda Barnaamijyada iyo Wararka ka baxa TV-ga Qaranka ayaa sheegaya in TV-gu haba yaraatee uusan sheegin ama xusin Magaca Puntland taasoo ka caraysiisay Shacabka iyo Dawladda.
_________________
RBC Radio
Xafiiska Garoowe