Boosaaso[RBC Radio] Waxaa maanta la hor keenay Maxkamadda Darajada 1-aad ee gobolka Bari lacag Shilin Soomaali ah oo been abuur ah,taasoo Cadadeedu tahay 427,900,000.
Lacagtaan Shilin Soomaaliga ah ee la hor keenay Maxkamadda ayeysan jirin Cid loo soo qabtay balse Xeer Ilaaliyaha Maxkamada ayaa Faah-faahin ka bixiyey qaabka gacanta loogu soo dhigay.
Xeer Ilaaliyaha Maxkamada Darajada 1-aad ee gobolka Bari Bashiir Hoobalay ayaa sheegay in Lacagta been abuurka ah lagu qabtay Kantaroolka Boosaaso.
Wuxuu tilmaamay in Lacagta la qabtay ka sokow lacago kale oo Shilin Soomaali ah ay keeneen Bangiga Boosaaso ka gadaal markey Ogaadeen in been abuur tahay.
Xeer ilaaliye Bashiir Hoobaley ayaa ka Codsaday Guddoonka Maxkamada in lacagtaas been abuurka ah la gubo.
Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee gobolka Bari Shiikh Axmed Salaad Maxamed oo ku dhawaaqay go’aanka ayaa sheegay in Lacagtaas lagu gubo goob fagaare ah.
Shiikh Axmed Salaad Maxamed ayaa sheegay in Ujeedada laga leeyahay in lacagta meel fagaare ah lagu gubo ay tahay in bulshada laga ilaaliyo Sicir barar ku yimaada.
Dhawaan ayey ahayd markii gudaha magaalada Boosaaso lagu gubay Lacago been abuur ah taasoo lagu soo dhexgeliyey Fuustooyin.
Ciidamada amniga Puntland ayaa heegan la geliyey kuwaas oo dabagal ku haya lacago been abuur ah oo sida la sheegay lagu soo daabacay koonfurta Soomaaliya,waxaana xusid mudan in lacagaah la qabtay aysan jirin cid loo soo qabtay.
Shacabka ku dhaqan Puntland ayaa si weyn usoo dhaweeyey dadaalka loogu jiro in laga hortago lacagahaas been abuurka ah,waxayna dawladda ugu baaqeen in ay si laba jibaarto hawlgalada ay wado.
____________________
Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso