Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Beesha Meheri Ismaacil oo maantey kulan weyne ku qabatey magaaladda Gaalkacyo,digniina ka dirtey magacaabista Issin cusub[Sawirro]

$
0
0

Gaalkacyo[RBC Radio]Magaaladda Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa maantey kulan weyne ku yeeshey mid ka mid ah beelaha daga deenaadda Puntland,kulankaan ayaa ujeedkisu uu ahaa mid ay beesho ka digeysey in Issin cusub xiligaan qeybo ka mid ah beeshu ay magacaawdaan.

Shirkaan ay maantey isigu yimaaden beesha Meheri ayaa waxaa soo qaban qaabiyey nabadoonka guud ee beesha,waxana intaa uu shirka socdey laga hadley sida ay ka yeeli laheeyd beesho,xubo ka tirsan oo abaabul ugu jira inay magacaaban Issin cusub oo xiligan ay yeeshan beesha Meheri Ismaacil.

Dah furkii shirka beesha waxaa hadal dhinacyo baddan taabtey ka jeediyey nabadoonka guud ee beesha Bare Xuseen Kooshin,waxana nabadoonka beesha uu ku sheegey hadalkiisa in an loo dhameen Issin qeybo ka mid ah beesha ay doonayaan inay ku magacaaban deegaanka Jallam oo ka tirsan gobolka Nugaal,waxana uu fariin u direy waxgaradka iyo qeybaha bulshada ee ku nool Jallam isagoona ka digey inay aqbalaan in Issin an matalin beesha deegaanka lugu maga cawdo,ayna magacaaban dad tiro yar oo beesha ka tirsan sida uu hadalka u dhigey nabadoonka beesha Meheri.

Sidoo kale nabadoonadii iyo qeybihii kale ee ka hadley shirka ay beeshu yeelatey ayaa iyaguna xoojiyen haddalka nabadoonka beesho oo ay ku sheegen inuu yahay mid ay ku racsanyihiin kagana soo hor-jeeden xubaha beesha ka tirsan Issinka ay ku wadaan inay ku caano shubtaan xiligan.

Waxaa ay intaa ku dareen in foowdo iyo kala qeybin beesha dhexdeeda ah ay wadaan xubnaha doonaya inay ku caano shubtaan Cabdulaahi Abokar oo xiligaan magacaabis tiisu ay ka soo hor jeesten xubno beesha ka tirsan oo uu ka mid yahay nabadoonka guud ee beesha.

Afhayeenka beesha Meheri ayaa isna dhiniciisa hadal uu ka jeediyey madasha waxaa uu ku sheegey in kala qeybinta iyo magacaabista beesha ay ku lug leedahay DF Soomaaliya oo uu sheegey inay iyagu wax ka ogyihiin arrintaan.

Xubnaha shirkan ka qeyb galey waxaa ka mid ahaa nabadoonada kala ah.

1-Nabadoon Cabdi Bare Xuseen Kooshin

2-Nabadoon Cabdirisaaq Khaliif Maxamed

3-Nabadoon Maxamuud Caseyr Cabdulle(Sanweyne)

4-Samadoon Faarax Cabdi Mataan

5-Samadoon Cabdi Samad Cali Jibriil

6-Afhayeen Maxamed Ismaacil.

Waxana dhamanba xubnihii beesha Mehere oo shirka ka soo qeybgaley fariin u direen dowladda Puntland,waxana ay ugu baaqen in arrinta indha dheer lugu eego ayna tahay mid lugu doonayo jahwareer laga dhex abuuro beesha.

IMG_7270 - Copy

 

IMG_7268 - Copy

 

IMG_7281

IMG_7280

 

IMG_7272 - Copy

IMG_7274

 

IMG_7282

 

_____________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio
Xafiiska Gaalkacyo

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles