Muqdisho (RBC) Afhayeenka baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay maanta inaysan jirin wax laga bedelay dastuurka federaalka ee weli qabyada ku jira, sida uu ku yiri war saxaafadeed maanta ka soo baxay xafiiska afhayeenka baarlamaanka.
War saxaafadeedka guddoomiyaha baarlamaanka oo aad u dheeraa ayaa lagu yiri”
“Lixdii Juun ee sanadkan ayaa guddiga baarlamaanka ee dib u eegista iyo hirgelinta dastuurka ay si rasmi ah uga daahfureen geedi socodka dib u eegista iyagoo hawshaa u soo bandhigi doona xubnaha baarlamaanka oo dhan iyo dadweynaha Soomaaliyeed meel ay joogaanba.”
Sidoo kale war saxaafadeedka maanta ka soo baxay xafiiska afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay dood ay dhowaan soo jeediyeen qaar ka mid ah saxiixayaashii tubta qariirada ee ka bixida habkii ku-meelgaarnimada.
“Waxaa dadka qaar ku doodeen in nuqulka Dastuurka Ku-meelgaarka ah ee ay saxeexayaashii oo dhami ay ku saxiixeen Addis Ababa Dhammaadkii Khariirada soo gunaanadka ku-meelgaarka 11kii bishii Meey inuu yahay nuqulka kaliya ee sharciga ah ee Dastuurka ku-meelgaarka ah. Waa arrin nasiib darro ah oo aan ku fadhiyin xaqiiqada.” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.
Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay in baarlamaanka federaalka ah uu diyaar u yahay inuu sameeyo wadatashi ballaaran si dadka oo dhan loo siiyo fursad ku filan isla markaana ay aragtidooda ka dhiibtaan dastuurka.
Afhayeenka baarlamaanka wuxuu sheegay in afti dadweyne kaliya ay tahay mida lagu dhaqangeli karo dastuurka kadib marka la dhameeyo dib u eegista.
RBC Radio