Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Soomaaliland oo hanjabaad udirtey waftiga Puntland ee ku sugan Taleex & Puntland oo arrita ka jawaab celisey,Khaatumo oo dhinaceeda iyana ka hadashey[Warbixin]

$
0
0
Degmada Taleex ee gobolka Sool

Degmada Taleex ee gobolka Sool

Taleex[RBC Radio]Degmada taarikhiga ah ee Taleex oo ka tirsan gobolka Sool,waxaa maalintii labad kusugan wafti uu hoggaaminayo madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire.

Madaxweyne ku-xigeenka waxaa waftiga ku waheliya xubno isugujira wasiiro ah iyo xildhibaano katirsan baarlamaanka dowladda Puntland.

Joogi taanka degmada Taleex ee waftiga kasocda dowladda Puntland ayaa waxaa sharci daro ku tilmaamey maamulka Soomaaliland,waxana ay Soomaaliland sheegen in tagitaanka waftiga Puntland ee Taleex ay ka dhigan tahay inay dulaan ku soo qaaden xuudkooda.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade oo isagu ka hadley arrimahan ayaa si cadd waxaa uu u sheegey in socdalka waftiga dowladda Puntland ee Taleex ay tahay in lagu soo xadgudbay islamarkaasina khatar ku noqonayso nabadgelyada gobolka iyo xaduudka Soomaaliland.

…”‘”"Waxaan heegan galiney ciidamadeena anagoo u aragna in imaatinka madaxweyne ku-xigeenka Puntland ninka sheeganaya mid khatar ku ah amniga deegaanada Soomaaliland,Taleex waxaay ka mid tahay Soomaaliland,Puntland deegaanadeda waa ay garan,wana kala labo deegaanadena iyo kuwooda…”””ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade

Sidoo kale wasiirkan ka tirsan maamulka Soomaaliland waxaa uu si cadd u sheegey inay ciidamo udiri doonan deegaanadda xuudka la leh Puntland,maadama sida uu sheegey xiligaan Puntland ay ku soo gardarooneyso dhulka Soomaaliland.
Sidoo kale wasiir Cali Maxamed Warancade ,waxaa uu sheegey in deegaanada ka tirsan Soomaaliland aysan imaan karin cid u shaqeysa maamulka kale sida uu sheegey.

…”‘”Ma aqbali doono in deegaanada Soomaaliland ay yimaadan cid u shaqeysa maamulka kale,waxan ka qadeyna talaabo ciidi ku soo xadgudubta dhulka Soomaaliland…”‘”ayuu ku sheegey wasiirku hadalkiisa.

Dhinaca kale markii uu hadalka ka soo yeerey Soomaaliland waxaa markiiba jawaab ka bixisey Puntland oo hadalka wasiirka ku tilmaamtey wax lala yaabo,maadama ay sheegen in Taleex ay tahay dhul ka tirsan Puntland una ka soo jeedo madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo xiligan isagu kusugan degmada.

Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Puntland qeybna ka ah waftiga u horsocdo madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa sheegey in ay maqleen hadalka ka soo baxay wasiir Cali Maxamed Warancade oo ka tirsan Soomaaliland,waxana uu xildhibaan ku tilmaamey inay la yaaben hadalkaa maadama uu sheegey wasiirka in la yaqaano halka uu ka soo jeedo inuu sheegtana Taleex ay tahay wax qof walba ka yaabisey,sida uu isagu sheegey xildhibaanku.

…”"”Waan maqalney hadalka lakiin qofkasta waxaa uu ogyahay,qofka uu yahay Cali Maxamed Warancade,waxaa kalo jirta in qofkasta oo Soomaaliyed uu la socdo halka ay ku abtirsato degmada Taleex iyo ciida deegaan ahan u leh…”"‘ayuu yiri xildhibaan Saadiq Abshir Garaad.

Waftiga madaxweyne ku-xigeenka Puntland ee kusugan Taleex

Waftiga madaxweyne ku-xigeenka Puntland ee kusugan Taleex

Xildhibaan Saadiq waxaa kalo uu hadalkiisa kusoo qaadey,in degmada Taleex ay tahay halka uu ka soo jeedo madaxweyne ku-xigeenka Puntland iyo siyaasiyin badan oo Puntland ka tirsan,waxana uu ku cel celiyey inay tahay dhul ay leedahay Puntland ayna dagan yihiin dad reer Puntland ah.

…”‘”Taleex waa meesha uu ka soo jeedo madaxweynaha ku-xigeenka Puntland,waana dhul ay leeyihiin dadka reer Puntland,ee waxan leenahay Soomaaliland ha ka wantowdo waxaa ay ku hadleyso ee macno darada ah…”"”ayuu yiri xildhibaanku.

Waxaa kalo xildhibaanku uu sheegey in Soomaaliland hadal kaan uu ka keney deegaanada aysan laheen ee ay haystaan,balse waxaa uu sheegey in dhawaan laga saari doono.

…”"”Waxaa ka keeney Soomaaliland hadalkaan,waa markii an loo daba raacin deegaanada aysan laheyn ee ay heysato balse dhawan waa ay ka bixidoonan…”"”ayuu sheegey xildhibaanku.

Dhinaca kale waxaa iyana hadalada ka soo baxay Puntland iyo Soomaaliland ka hadashey Khaatumo,maamulka Khaatumo oo isagu lugu dhisey Taleex ayaa isna waxaa uu caddeyey in deegaanada maamulka ku abtirsada ay yihiin kuwo ka madax banaan labada maamulba.

…””Khaatumo waa uu ka madaxbananyahay Soomaaliland iyo Puntland,hadalkoodana waa mid ay iyaga isku yirahdeen ee u mayaalo dhulka Khaatumo…”"”ayaa lugu yiri hadalka kasoo baxay Khaatumo.

Si kastoo ay ahaataba degmada Taleex waxaa xiligaan kulamo iyo kormeer dhuleed kawada madaxweyne ku-xigeenka Puntland iyo wafti lasocda oo dhinacyo bada isugu jira.

Gobollada Sool,Sanaag iyo Cayn waxaa intabadan deegaano katirsan kumaransan lahanshiyooda iyo maamulidooda maamulada Soomaaliland iyo Puntland,waxana jirta siyaasiyin gobollada ku abtirsada inay xilal kala gadisan ay ka ahayaan labada maamul.

_____________-
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles