Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay iney xil weyn iska saarayso dhowrista Xuquuqda Aadanaha

$
0
0

saacid 1Muqdisho{RBC Radio} Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday iney diyaarisay qorshe ku saabsan ilaalinta xuquuqda aadanaha ee dalka Soomaaliya R/wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax SHiirdoon Saacid oo hadal ka jeedinayey kulan ay maanta Muqdisho ku yeesheen hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha,gudiga xuquuqul iinsaanka baarlamaanka Soomaaliya iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah ayaa daboolka ka qaaday in xukuumaddu ay dajisay qorshe cad oo lagu dhowrayo xuquuqda aadanaha Soomaaliya.

R/wasaare Cabdi faarax Shiirdoon Saacid ayaa ka dhawaajiyey iney ka go’an tahay xukuumadda uu horkacayo in mawaadin walba oo Soomaaliyeed uu helo xuquuqdiisa aasaasiga ah ee uu xaqa u leeyahay,wuxuuna tilmaamay in dowladdu ay ka shaqaynayso dhowrista xuquuqda aadanaha gaar ahaan Dumarka iyo Carruurta Soomaaliyeed.

Wasiirka Koowaad ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon ayaa carrabka ku adkeeyey in dowladda Soomaaliya ay u taagan tahay sidii loo ilaalin lahaa xuquuqda bulshada Soomaaliyeed,wuxuuna xusay iney ka hortagayaan wax walba oo caqab ku ah dhowrista xuquuqul Iinsaanka.

Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid R/wasaaraha Soomaaliya ayaa tibaaxay in hadafka dowladdu uu yahay mar kasta oo khilaaf yimaado iney ku xaliso miiska wada hadalka,wuxuuna tilmaamay iney taas daliil u tahay Shirarka ay dowladdu kula jirto Soomaaliland ee ka socda dalka Turkiga iyo shirka magaalada Addis ababa ay ku leeyihiin dowladda federaalka iyo maamulka Axmed Madoobe ee Jubaland.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa loo jeedinayey mudooyinkii danbe eedo la xiriira xadgudub loo geystay xuquuqda aadanaha kadib markii ay soo bexeen warbixinno isdaba joog ah oo ciidamada dowladda ku eedeynaya Kufsi ga haweenka Soomaaliyeed.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles