Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti oo Beledweyne ka sameeyey hawlgal dad lagu soo qabqabtay

$
0
0

beledweyneBeledweyn{RBC Radio} Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jabuuti ee qaybta ka ah hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ka sameeyey hawlgallo dad badan lagu soo qabqabtay,ciidamada isgarabsanaya ayaa  gudaha u galay xaafadda Kooshin ee magaalada Beledweyne.

Ciidamada ayaa guri guri u galay xaafadda Kooshin,waxaana la tilmaamay iney gacanta kusoo dhigeen dad ay uga shakisan yihiin iney ku lug leeyihiin qarax saakay magaalada Beledweyne lagula eegtay ciidanka Ethiopian ah oo la sheegay iney biyo ka dhaansanayeen gudaha magaalada Beledweyne.

Qaraxa lagu weeraray ciidanka Ethiopia ayaa khasaaro u geystay dad rayid ahaa oo ka agdhawaa goobta uu qaraxu ka dhacay waxaana inta la xaqiijiyey ku dhaawacmay 2 ruux oo rayid ah,dhaqaatiirta Cisbitaalka magaalada Beledweyne ayaa ka dayrinaya xaaladda Caafimaad ee mid ka mid ah dhaawacyada ku waxyeeloobay qaraxa lala eegtay ciidanka Ethiopia.

Col. Cali Dhuux Cabdi Mahad Alla taliyaha saldhigga booliska magaalada Beledweyne oo warbaahinta uga warbixiyey hawlgalka ay maanta ka sameeyeen magaalada Beledweyne ayaa waxa uu sheegay iney gacanta kusoo dhigeen 18 ruux oo sida uu sheegay ay uga shakisan yihiin iney ka tirsan yihiin alshabaab,wuxuuna intaa ku daray iney baaritaano ku socdaan dadka ay soo qabqabteen.

Taliyaha ayaa sheegay in ciddii danbi lagu waayo ay xoriyadeeda dib u heli doonto balse dadka loo helo cadaymo iney alshabaab ka tirsan yihiin in maxkamad la horgeyn doono,maamulka gobolka Hiiraan iyo ciidamada Jabuuti ee ku sugan magaalada Beledweyne ayaa ku celceliya iney xaqiijinayaan amniga magaalada Beledweyne.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles