Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maamulka gobolka Bakool oo alshabaab ku eedeeyey iney xasuuq ka geysteen deegaanka Qurac-joome

$
0
0

bakoolBakool{RBC Radio} Maamulka gobolka Bakool ayaa alshabaab ku eedeeyey iney xasuuq ka geysteen deegaanka Qurac-joome oo ay la wareegeen gacan ku hayntiisa,gudoomiyaha degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa alshabaab ku eedeeyey iney deegaankaas ku dileen dad rayid ah isla markaane ay kuwo kale qafaasheen.

Maxamed Macalin ayaa tilmaamay in alshabaab markii ay gudaha u galeen deegaanka Qurac-joome iney bilaabeen gumaad ay u gaysanayeen dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaankaas,wuxuuna dhanka kale qiray iney alshabaab si buuxda ula wareegeen Qurac-joome.

Gudoomiyaha ayaa tibaaxay in alshabaab ay kusoo qaadeen deegaanka Qurac-joome dagaal kudhufoo ka dhaqaaq ah,wuxuuna sheegay ineysan alshabaab awood u lahayn iney deegaanka sii haystaan,isagoona xusay iney dib uga laabteen muddo kooban oo ay gacanta ku hayeen kadib.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijinaya in alshabaab ay wali gacanta ku hayaan deegaankaaswaxaana socda abaabul ay wadaan ciidamada dowladda oo doonaya iney dib ula wareegaan gacan ku haynta deegaanka Qurac-joome ee gobolka Bakool,ciidanka dowladda ayaa deegaankaas banneeyey kadib markii ciidamo ka tirsan alshabaab oo si aad ah u hubaysnaa ay weerar ku ekeeyeen.

Alshabaab iyo maamulada dowladda ee gobolkaas ayaa ku loolamaya gacan ku haynta degmooyinka iyo deegaanada uu ka kooban yahay gobolkaasi bakool,xaalad adag oo nololeed ayaa laga soo sheegayaa deegaanka Qurac-joome oo la soo derista shacabkii ku noolaa deegaankaas.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles