Muqdisho{RBC Radio} Alshabaab ayaa ku micneeyey dagaalka ka socda dalka Soomaaliya mid looga hortagayo damaca wadamada deriska ee ku aaddan iney boobaan khayraadka dalka Soomaaliya afhayeenka guud ee alshabaab SH Cali Maxamuud Raage SH Cali-dheere oo la hadlayey warbaahinta ku hadasha afka alshabaab ayaa sheegay iney u dagaalamayaan laba ujeedo.
SH Cali-dheere ayaa sheegay in dagaalka alshabaab ay ku jiraan uu ku qotomo Laba qodob oo kala ah difaaca Diinta Islaamka iyo difaacidda khayraadka ummada Soomaaliyeed oo sida uu sheegay ay duulaan qaawan kusoo qaadeen wadamo shisheeye oo ay horkacayaan wadamada deriska la ah Soomaaliya ee Ethiopia iyo Kenya oo uu tilmaamay iney fara galin ku hayaan Siyaasadda Soomaaliya.
Afhayeenka alshabaab ayaa tibaaxay in iyagu ay yihiin cidda kaliya ee u taagan ka hortagga damaca qarsoon ee wadamada deriska sida uu hadalka u yiri,wuxuuna Kenya iyo Ethiopia ku eedeeyey iney dhibaato ka wadaan gudaha Soomaaliya isla markaane ay ku heshiiyeen iney qaybsadaan dhulka Soomaaliyeed sida uu tilmaamay.
SH Cali Maxamuud Raage Cali-dheereayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in magaalada Kismaayo ay ku gorgortamaan wadamad kenya iyo Ethiopia sida uu sheegay,wuxuuna tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed aysan waxba gacanta uga jirin.
Afhayeenka guud ee alshabaab ayaa carrabka ku adkeeyey iney sii wadayaan dagaalka uu xaqqa ku sheegay ee ay ka wadaan Soomaaliya ilaa ay ka gaaraan hadafka ay leeyihiin sida uu hadalka u yiri.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho