Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Wasaaradda amniga Puntland oo awaamir dul dhigtey gaadiidleyda Puntland[Sawirro]

$
0
0
Xubnihii ka qeyb galey shirka

Xubnihii ka qeyb galey shirka

Garoowe[RBC Radio]Waxaa maantey kulan ballaaran oo la sheegey in is deg deg ah ay isigu yimaaden xubno katirsan wasaaradda ammaanka Puntland iyo taliyaal ciidan uu ka dhacay magaaladda Garoowe ee xaruta dowladda Puntland,waxaa laga wadda hadley shilalka gawaarida oo la sheegey inay kusoo badanayaan deegaanada Puntland.

Kulan kaan oo ka dhacay xarunta wasaaradda amniga ayaa waxaa ka soo qeyb galey wasiirka Amniga Puntland Khaliif Ciise Mudane, Wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka Daahir Xaaji Khaliif, iyo Taliyaha ciidanka booliska ee Puntland Maxamed Siciid Jaqanaf.

Waxaa si hufaan looga hadley shilalka iyo qaladaadka ka dhasha gaadidleyda ku safra Puntland oo muddadaan danbe la sheegey inay sii kor dhayaan,waxaa la ga aragti dhibtey habka xiligaan looga taxadarikaro loona yareen kararo qaladaadka ka dhasha baabur leyda,waxana la isla gartey qoddobo dhoor ah oo lugu soo rogey inay ku dhaqmaan gadiidleyda Puntland.

Waxaa la sheegey in intabadan dhibaatadu ay ka timaado wadayaasha gaadiidka kuwaaso la isla gartey in untooda badan aysan wax xirfad ah u lahayn wadiida gawaarida taasina ay sahashey inay karoorto shilalka ka dhaca gobollada Punland.

Wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan

Wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan

Kulaankan oo inta uu socdey ay hadalo ka jeediyey xubnihii ka qeyb galey ayaa waxaa ay sheegen in wadayaasha gawaarida ay dhamantood qaatan sharciga wadiida gawaarida.

Wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan oo kulanka gaba gabadiisa hadal ka jeediyey ayaa waxaa uu si kulal ugu sheegey wadayaasha gawaarida inay ku dhaqmaan ayna fuliyaan awaamirta laga soo sarey shirkaan.

Khaliif Ciise Mudan waxaa kalo uu sheegey in talaabo sharci ah laga qaadi doono ciidi iska dhaga tirta qoddobada ay soo saren ee ku socota wadayaasha qadiidleyda Puntland.

Kulan kaan ay maantey yeeshen madaxda howlaha guud iyo gaadiidka, Amniga iyo hay’adaha booliska Puntland,ayaa waxaa uu imana xili dhawaanahanba la sheegayey inay korortey qaladaadka iyo shilalka gaadiidka taaso galaafatey  nolasha dadbadan.

3

 

1

 

4

5

___________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles