Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Burcad badeedda Soomaalida oo afdub u heysta marka laga leeyahay dalka Oman sida ay sheegen ciidamada ladagaallama ee Midowga Yurub

$
0
0
Burcad badeedda oo markabka hub la saaran

Burcad badeedda oo markabka hub la saaran

Warbixin ay soo saareen ciidamada badda ee la dagaallanka burcad badeedda u qaabilsan Midowga Yurub ayaa lugu sheegey in xeebaha gobolka Mudug afduub ahan loogu heysto markab kalluumaysi oo laga leyahay dalka Oman.

Arrintaan ayaa ka danbeysey kadib markii diyaarad ay leeyihiin ciidamada badda ee Spain oo qayb ka ah howlgalka Midowga Yurub ee la dagaalka burcad badeedda argkaen markabka oo dushiisa sare ay saaran yihiin xubno katirsan burcad badeedda oo hubsita.

Warbixiintaan ayaa lugu faah faahiyey qafaalashada markabka oo ay ku caddeyeen inuu kooxo burcad badeedd ah gacanta ugu jiro.

Markabkaan ayaa waxaa lugu magacaaba MV Naham 3 oo ah markab kalluumaysi oo laga leeyahay dalka Oman, isla markaana ay la socdeen tiro aan la cayimin oo shaqaale ayay burcad badeeddu afduubteen 26-kii bishii March ee sanadkii hore.

Sidoo kale waxaa la sheegey in xiligaan ay jiraan cabsi laga qabo halka lugu hayo laheystayaasha lasocdey markaba,waxana xiligaan socota sida la shaaciyey wada-hadallo lugu doonayo in lugu bad baadiyo dadkaas gacanta ugu jira burcad badeedda.

Markabkaan waxaa la xaqiijiyey in xiligaan lugu hayo 100 mile meel u jirta goobtii markii hore lagu haystay in la geeyay,waxana uu ku xiran yahay deegaan ka mid ah goobaha ay maamulan maamulka Galmudug.

Kooxaha burcad badeedda ayaa waxaa yaraadey muddooyinkii danbey howlgaladii ay qaadi jireen,waxana ay timid yareenta weeraradooda kadib marki ciidamada ilaalada badda ee Midowga Yurub ay labo jibaaren howlgalada ay ku bacsanayaan.

Waa markii ugu horesy ee ay si cadd u sheegen ciidamada ilaalada Midowga Yurub inay arken markab an horey loo ogen oo xiligaan gacanta ugu jira kooxa xiligaan gabaabiska ay noqdeen weraradooda ee burcad badeedda.

____________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles