Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Shirkado laga leeyahay Shiinaha oo ballan qaaday dib u dhiska goobo muhim ah oo ku yaal magaalada Muqdisho

$
0
0

tiyaatarkaShangahai{RBC Radio} Shirkado qaabilsan dhanka dhismaha oo laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa ballan qaaday dib u dhiska goobo muhim ah oo ku yaalla magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya,R/wasaare ku xigeenka  ahna wasiirka arimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo wafti ay hogaaminayso oo ku sugan dalka Shiinaha ayaa waxa ay la kulmeen shirkado dhismaha ah oo laga leeyahay dalkaas.

Shirkadaha Shiinaha dhsimaha ay ee ay la kulantay R/wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa  ballan qaaday dib u dhiska Garoonka Kubbadda Cagta ee Istaadiyow Muqdisho,golaha Murtida iyo Madadaalada Tiyaatarka qaranka iyo Cibitaalka hooyada iyo dhallaanka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Masuuliyiinta Shirkadaha ayaa sheegay ineysan wax lacago hormaris ah aysan ka qaadan doonin dowladda,waxayna soo bandhigeen naqshado iyo hannaanka ay u doonayaan iney u dayactiraan goobahan oo ka mid ah halbowlayaasha magaaalada Muqdisho oo ku burburay dagaaladii sokeeye ee 22kii sano ee u danbeeyey  ragaadiyey Muqdisho.

Shirkadahan Shiinaha laga leeyahay ayaa sidoo kale ballan qaaday iney ka qayb qaadanayaan dib u dhiska wadooyika dalka,waxayna sheegeen iney diyaar u yihiin iney kaalin ka qaataan dib u dhiska dalka Soomaaliya oo ku jira soo kabasho,shiinaha ayaa waxaa lagiu xasuustaa Mashaariic fara badan oo uu ka hirgaliyey dalka Soomaaliya kuwaas ilaa maanta ay ku intifaacaan bulshada Soomaaliyeed.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles