Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Shirkadda Dahabshiil oo dad naafo ah Muqdisho ugu qaybisay deeq gaadiid ah

$
0
0

dahabshiilMuqdisho{RBC Radio} Shirkadda Xawilaadda Dahabshiil ayaa maanta deeq ka kooban gaadiidka Curyaamiinta waxa ay u qaybisay dad naafo ah oo ku dhaqan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,Naafada ka faa’iideystay deeqdan ay Shirkadda Dahabshiil  bixisay ayaa tiro ahaan gaaraya 20 ruux oo naafo ah.

Gaadiidka ay shirkaddu gaarsiisay dadka Curyaamiinta ayaa ah kuwo casri ah oo masuuliyiinta shirkaddu ay sheegeen iney dabooli doonaan  baahida dadka naafadda ah oo qaarkood shaqaystay kuwaas oo dhibaato ku qabay gaadiid la’aan maadaama ay yihiin dad danyar ah isla markaane uu dhantaalan yahay Lixaadkoodu.

Maamulaha Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ee Shirkadda Xawilaadda Dahabshiil C/raxmaan Cali Xasan oo hadal ka jeediyey madasha ay deeqda gaadiidka ah ku gudoonsiinayeen dadka naafadaha ah ayaa waxa uu sheegay iney deeqdan  ah gaadiid ay lacago badan kusoo iibiyeen ayna ugu tala galeen iney muddo dheer ku intifaacaan naafada ay gudoonsiiyeen.

Maamulaha ayaa sheegay in dadka ay deeqda gudoonsiiyeen ay yihiin dad noloshooda maareeya kuwaas oo dhibaato ku qabay gaadiid la’aan,wuxuuna xusat iney tallaabadani dhiirigalin u tahay naafada,dadka deeqda la gudoonsiiyey ayaa waxaa kamid ah Macalin Dugsi oo in kabadan 250 arday wax bara,Macalin wax ka dhiga Jaamacadda Simad iyo Gabadh iibis Miis Khudaarta lagu gado oo dhammaantood Naafo ah kuwaas oo dhibaato ku qabay habsami u gudashada hawl maalmeedkooda.

Ruqiyo oo ah haweeneyday Naafada ah ee Miiska khudaarta iibisay ayaa ka warbixisay dareenkeeda ku aaddan deeqdan ay maanta gaarsiisay shirkadda Dahabshiil,waxayna sheegtay iney markii hore dhibaato ku qabtay adeegga Miiska oo sida ay sheegtay ay dad ku baryi jirtay iney usoo adeegaan,balse waxay hadda sheegtay iney ka kaaftoomi doonto baryada dadka kale maadaama ay heshay gaadiid.

 

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles