Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20143

Wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga qaranka Soomaaliya oo shacabka iyo warbaahinta ka codsatay iney kala shaqeeyaan sugidda amniga dalka

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Calanka jamhuuriyadfda
Muqdisho{RBC Radio} Wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ka dalbatay shacabka iyo warbaahinta Soomaaliyeed iney kala shaqeeyaan sugidda amniga dalka,wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga qaranka Soomaaliya Jaamac Axmed Maxamed  oo warbaahinta Muqdisho kula hadlayey ayaa ugu baaqay shacabka iyo warbaahinta iney wasaaradda kala shaqeeyaan soo celinta amniga dalka.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in sababaha ugu horeeya ee keenay in waxqabadka wasaaraddu ay gaabis noqdaan ay ka mid tahay wada shaqayntii ay shacabka uga baahnaayeen oo sida uu sheegay ay ka waayeen,wuxuuna tilmaamay in dadaal walba oo masuuliyiinta wasaaraddu ay sameeyaan inuusan miro dhal noqoneyn hadii aysan helin taageerada shacabka Soomaaliyeed.

Jaamac Axmed Maxamed ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ka codsaday iney wasaaradda ula shaqeeyaan si hagar la’aan ah”hadii aan dhibaatada jirta laga wada shaqayn,suurta gal maaha in cid kaliya ay wax ka qabato dhibaatooyinka jira,awoodda ugu weyn waa ta shacabka hadii ay meesha ka maqan tahay dowladdu kuma guulaysan karto sugidda amniga dalka”ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga qaranka Soomaaliya.

Wuxuuna xusay in hadii si kasta oo madaxda wasaaradda ay daacad u yihiin isla markaane ugu diyaarsan yihiin wax ka qabashada dhibaatooyinka dalka aysan dheceen iney ku guuleystaan arimahaas ilaa ay shacabka isbarbar taagaan kalana shqeeyaan sidii nabadda loosoo celin lahaa.

Wasiir ku xigeenka ayaa sidoo kale warbaahinta Soomaaliyeed ka dalbaday iney wasaaradda kala shaqeeyaan amniga dalka,wuxuuna ku booriyey iney nabadda taageeraan.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20143

Trending Articles