Addis-Ababa [RBC Radio]Iyaado maalinkii shaley wada-hadalladii usocdey dowladda faderaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ee saldhiggiisu yahay magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose,laga gaarey is afgarad qeyb ka mid ah qaddobadii labada dhinac horyaaley ayaa xiligaan wali waxaa jira qodobo kale oo la isku mari la’yahay.
Wada-hadallada labada dhinac ayaa wali waxaa uu ka socda magaaladda Addis-Ababa ee dalka Ethopia,waxana wada xaajoodkan Jubbaland iyo dowladda faderaalka qaban qaabadeeda leh dalalka urur gobolleedka IGAD.
Arrimaha xiligaan ay labada dhinac isku diidan yihiin ayaa waxaa ka mid ah dalab ka yimiid waftigii dowladda faderaalka uga qeyb galaya wada-hadallada,waxana ay dalbadeen in la bedelo magaca Jubbaland, iyagoo ku adkaystay in aysan suurta-gal ahayn gobollada Jubbooyinka iyo Gedo magacaas loo isitcmaalo.
Waxaa la caddeyey in arrintaa ay kentey muran badan oo xaga ergada Jubbaland ay ka biyadiiden in magaca labadalo.
La taliyaha madaxweyne ku -xigeenka Jubbaland Cabdinaasir Guure Faarax (Jeer) ayaa waxaa uu sheegey in madaxweynaha dowladda faderaalka Soomaaliya Xassan Sheekh inuu aqbaley maamulka Jubbaland inuu madaxweyno ka noqdo Axmed Maxamed islaam (Axmed Madoobe) halka uu madaxweyne ku-xigeena uu yahay Fartaag,maamulkuna lamagac bixii doono Jubbaland.
Cabdinaasir Guure Faarax (Jeer) waxaa uu hadalkiisa ku sheegey xubno uu ku tilmaamey fidno wadayaal oo u sheegey iney qeyb ka yihiin xubnaha dowladda faderaalka Soomaaliya uga qeyb galaya wada-hadallka kana mid ah xildhibaanada dowladda faderaalka Soomaaliya,inay hor istaagen oo ay kabiyadiiden qodobo ay ka mid yihiin magaca maamulka,inkasto uu u sheegey inay aqbaleen madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka.
Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
Halkaan ka Dhageyso La taliyaha madaxweyne ku -xigeenka Jubbaland Cabdinaasir Guure Faarax (Jeer)
Jeer waxaa uu sidoo kale u sheegey inay jirto guddi kasocda dowladda faderaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland inay kawada hadli doonan xubnaha qeybta ka noqon doona gollaha wasiiradda Jubbaland,balse waxaa uu si cadd u sheegey inuu magacaabista gollahaasi uu u madaxbanaan yahay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe,waxaa kalo uu rajo wanagsan ka muujiyey ina wada-hadallada ay dhawaan soo gaba gaboobi doonan.
Si kasto ay ahaataba waxaa laga dhuur sugaya xiligaa ay soo gaba gabooban wada-hadallada dowladda faderaalka Soomaaliya iyo Jubbaland oo xiligaan qodob dhoor ah isku diidan, halka qodobo kalana ay isla meel dhigeen.
___________
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Deegaan1994@gmail.com
Xafiiska Gaalkacyo