Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dowladda oo shaaca ka qaaday ineysan jirin rug ganacsi oo ay aqoonsan tahay oo dalka ka jirta

$
0
0
Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya

Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Cabdulqaadir SH Ismaaciil

Muqdisho {RBC Radio} Wasiir ku xigeenka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha dowlada Soomaaliya  C/qaadir Shiikh Ismaaciil oo maanta dib ugu soo laabtay dalka  ayaa shirjaraa’id oo uu warbaahinta ugu qabtay xafiiskiisa wuxuu kaga hadlay dhibaatada dowladda ka haysata koontarool la’aanta waxyaabaha dalka soo galaya ama ka dhoofaya.

Wasiirka ku xigeenka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa tilmaamay in wadanka Soomaaliya uu u baahanyahay in la koontaroolo waxyaabaha soo gelaya ama ka baxaya si loo xaqiijiyo in aysan ahayn wax dhacay ama aan tayo wanaagsan lahayn waxyaabaha dalka la keenayo.

C/qaadir Shiikh Ismaaciil ayaa xusay in wadanka Soomaaliya uusan lahayn hay’ad koontaroosha waxyaabaha imaanaya ama ka baxaya dalka ayna hada adagtahay in la xakameeyo  isla markaane lala socdo waxyaabaha dalka imaanaya ama laga dhoofinayo.

Wasiir ku xigeenka ayaa dhinaca kale ka hadlay qorshe ay wado Wasaaradiisu wuxuuna sheegay in hormarinta ganacsiga dalka Soomaaliya uu muhiim u yahay ganacsatada Soomaaliyeed,wuxuuna xaqiijiyay in dib loo dhisi doono rugihii ganacsiga ee dalku lahaa,taasina ay fududayn doonto in dib loosoo celsho dhaqaalihii dalka Soomaaliya.

Wasiirk ku xigeenka wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa ganacsatada Soomaaliyeed baaq u jeediyay wuxuuna ka dalbaday  in ay isugu yimaadaan shir guud,shirkaas  oo ay  dowladdu damacsantahay  in ay ku dhisto  Rug ganacsi ,C/qaadir Shiikh ayaa  gaashaanka u daruuray  in Soomaaliya ay ka jirto rug ganacsi oo ay dowladdu aqoonsan tahay.

Dowlada Soomaaliya ayaa mudooyinkii aynu ka soo gudubnaya waxay xusul duub ugu jirtay sidii ay dib ugu soo noolayn lahayd  kaabayaashii dhaqaalaha dalka.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles