Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20233

Qurba Joogta iyo Waxgaradka Puntland oo ka arinsaday Badbaadinta Dhalinyarada (Sawirro+Warbixin).

$
0
0

 

 vlcsnap-2013-08-22-04h49m01s111

Garoowe (RBC RADIO) Kadib markii ay Gobolka kusoo bateen Falalka Naftii halignimo oo ay ku dhaqmayaan Dhalinyarada Puntland iyagoo Tahriibka xooga saaraya Dalkana isaga hayaamaya ayaa Qurba Joogta iyo WaxgaradkaPuntland kulan ay Garoowe ku yeesheen waxay isku soo hadal qaadeen sidii dhalinyarada lagu hakin lahaa fikirkoodana wax badan looga bedeli lahaa,waxaana kulankaasi soo qaban qaabisay Hay’ada Kaalo oo Hormuud u ah ururo loogu talagalay in ay ka shaqeeyaan xirfad Siinta Dhalinyarada iyo ka saarida laabtooda Falalka Xun Xun iyo Haligida Naftooda oo ay nolosha dalka ka doorbidayaan Tahriib iyo dhibaato  hor leh.

 vlcsnap-2013-08-22-04h44m36s39

Maxamuud Sheekh Xaamud Gudoomiyaha Hay’ada Kaalo Ahna Maamulaha Jaamacada PSU wuxuu sheegay in Kulankan ay isugu yimaadeen 3dhinac oo kala ah Hay’adaha Maxaliga ah ee ka hawlgala Deegaanada Puntland Qurba joogta iyo Ganacsatada Gobolka iyadoo qorshuhu yahay in leyska kaashado Xirfad u raadinta Dhalinyarada si looga weeciyo wadada qaldan oo qaarkood ay ku tooseen,wuxuu rajo wanaag ka muujiyay Gudoomiye Maxamuud in hadii leyskaashado badbaado loo noqon karo boqolaal Dhalin yaro ah oo u hanqal taagaya Dhanka Tahriibta iyo ku biirista Burcad-Badeeda.

 

 vlcsnap-2013-08-22-04h43m35s148

“ Waxaanu iska kaashan doonnaa in dhalinyarada si Bilaasha ah ay Bilaha Hore uga shaqeeyaan Xarumaha Dowlada Taasoo wadada usii xaari karta in ay shaqa toos ah helaan, waxaan kaloo xoojin doonnaa dhanka Xirfada oo dhalinyarada laga kaabo, iyo Barnaamijyo Dhiiri gelineed oo dhalinyarada lagu tusayo dhibaatooyinka ay kala kulmi karaan meesha ay u tahriibayaan in la qabto,waxaana jira fikrado badan oo aan isdhaafsanay anaga iyo Dadka Qurba joogta ah ee Puntland iyo Gancsatada Dalka ku sugan qaarkood, Danaha ugu weyn ee aan ku raad joognaa helidiisa waa in ubadka yagu ay ka badbaadan Qataraha Tahriibta Burcad-Badeedka iyo Amni darada, Sidaana waxaa yiri Maxamuud Sheekh Xaamud Gudoomiyaha Kaalo.

 vlcsnap-2013-08-22-04h45m02s32

Dood Dheer kadib waxaa leysku afgartay in DHinacyada shirka yeeshay ay u midoobaan ka warhaynta iyo xirfad siinta Dhalinyarada si looga hortago dhaliyrada tira beelka ah ee usii hayaamaya Qurbaha si ay u helaan nolol ka duwan mida ay dalka ku haystaan, iyo in ay is dhexgalaan Dadka Qurba joogta ah Hay’adaha Maxaliga ah iyo Ganacsatada si dal iyo dibadba looga war hayo halka ay marayso Xaalada Dhalinyarada Soomaalida siiba kuwa Puntland ku dhaqan.

 vlcsnap-2013-08-22-04h43m57s147vlcsnap-2013-08-22-04h45m20s212vlcsnap-2013-08-22-04h43m12s172vlcsnap-2013-08-22-04h43m57s147vlcsnap-2013-08-22-04h44m11s35

Ibrahim Wadani

RBC RADIO

Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20233

Trending Articles