Jowhar (RBC) Ciidamada militariga dawlada federaalka Soomaaliya iyo shaqaalaha Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed ayaa maanta u gurmaday deegaano hoos yimaada degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe kadib markii uu ku fatahay wabiga Shabeelle oo deegaankaasi mara.
Tuulooyinka Libiga, Buqda iyo Xaanshooley oo ka tirsan degmada Jowhar kana xiga dhanka bari ayaa la soo sheegayaa in gebi ahaanba ay biyuhu xireen waddooyinkii soo geli jiray iyadoo dadka ku nool saddexda tuulo ay saaka ku waabariisteen biyo xiray irdaha guryahooda iyagoo bannaanka u bixi kari waayey.
Mutadawiciin ka tirsan Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed ee magaalada Jowhar oo wata gaadiidka xamuulka iyo ciidamada militariga dawlada ee ku sugan Jowhar ayaa saaka waaberigii u gurmaday tuulooyinka ay biyuhu hareereeyeen iyagoo halkaasoo ka soo daadgureyay qoysaskii ku noolaa iyo carruurtooda.
Sawiro la soo bandhigay ayaa muujinaya ciidamada dawlada iyo shaqaalaha bisha cas oo gaadiidka ku soo qaadaya dadkii ku noolaa tuulooyinkasi, waxaana dadka loo soo bara bixiyey degmada Jowhar oo ay hadda ku sugan yihiin.
Guud ahaan gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa xilligan si weyn looga cabsi qabaa in fatahaada bilaabatay ee wabiga Shabeelle ay sii kororto ayna geysato khasaare maadaama tuulooyin iyo degmooyin fara badan oo dad danyar ah ku nool yihiin ay biyuhu afka saareen.
Ma jirto wax dadaalo ah oo lagu xakameynayo biyaha wabiga ee karkaarada jabsaday, waxaana meelaha qaar fashilmay iskudayo ay dadka si iskood ah u sameeyeen oo ay ku doonayeen inay carro tuuryo u sameeyaan biyaha soo fatahmay.
Dawlada federaalka ah oo ka talisa gobolka iyo hay’adaha samafalka midkoodna kama hadlin weli fataahada, waxaana ay ku soo adeeysaa iyadoo 16-kii bishan hay’adda MSF oo ahayh hay’adda kaliya ee dhanka caafimaadka ka taageeri jirtay isbitaalka weyn ee magaalada Jowhar ay isaga baxday guud ahaan dalka.
RBC Radio
Xafiiska wararka Jowhar