Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Ururka Midowga Afrika oo tababar uga furay magaalada Kampala saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya

$
0
0

euKampala{RBC Radio} Midowga Afrika ayaa sheegay in saraakiil ka tirsan laamaha Amaanka ciidamada dowlada Federaalka Soomaaliya ay tababar ku saabsan dhowrista xuquuqda bini’aadamka uga fureen caasimada wadanka Uganda ee kampala.

Saraakiishan tababarka looga furay magaalada Kampala ayaa tiradooda lagu sheegay in ay yihiin 40 sarkaal oo ka kala socda laamaha amaanka dowlada federaalka Soomaaliya,waxaana ay ku qaadan doonaan tababarka sida loo ilaaliyo Xuquuqda Aadanaha.

Saraakiishan maanta looga furay tababarka magaalada Kampala ayaa inta uu sucdo waxay ka faa’iidaysan doonaan casharo ku saabsan sida loo ilaaliyo xuquuqda dadka,marka ay socdaan howlgalada ay samaynayaan ciidamada qalabka sida ee dowlada Soomaaliya

Ururka midnimada qaarada Afrika ayaa soo agaasimay tababarkan loo qabtay saraakiisha ka tirsan laamaha Amaanka dowlada Soomaaliya.

Tababarkan loo furay Saraakiisha ka tirsan laamaha Amaanka qaranka ayaa laga rajaynayaa in uu wax weyn iska bedeli doono arinta la xiriirta dhowrista xuquuqda aadanaha ee wadanka Soomaaliya.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles