Clik here to view.

Taliyaha ciidanka booliska gobolka Mudug Jaamac Maxamed Axmed
Galdogob[RBC Radio]Degmada Galdogob ee gobolka Mudug ayaa waxaa dhawaanahanba ku sugna taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug,waxana taliyaha iyo xubnihii la socdey ay u kuur galayeen xaaladda dhanka ammaan ee ka jirta degmada.
Taliyaha ciidanka booliska gobolka Mudug Jaamac Maxamed Axmed oo dib degmada Galdogob uga soo labtey,ayaa waxaa uu ka warbixiyey xaaladda ammaan ee ka jirta Galdogob waxana uu si cadd u sheegey inay wanagsan tahay amniga degmada ayna howlgallo kasoo sameeyen ciidamada ammaanka gobolka Mudug.
….”"”Degamada Galdogob waan tagney wana kasoo laabaney waxana kusoo aragney xaaladd ammaan oo ad u wanagsan,ciidankuna howlgallo lugu xaqiijinayo ammaanka ayey kasoo sameeyen wana ay kusoo guulesten…”"”ayuu yiri taliyahu.
Jaamac Maxamed Axmed Sidoo kale hadalkiisa waxaa uu ku soo qadey in dib loo howlgaliyey saldhiggii booliska ee degmada Galdogob kaaso xirnaa sida uu sheegey tan iyo buur burkii dowladdii dhaxe ee Soomaaliya.
Halkaan ka Dhageyso Taliyaha booliska gobolka Mudug
Taliyaha waxaa uu tilmaamey in ay ku guulestin inay dib u furaan saldhiggii booliska ee ay horey u laheed degmada Galdogob oo uu ku sheegey inay tahay degmo leh xaduudo dhor ah,loona adegsan jirey in guddaha gobolka Mudug la soo galiyo wal-xaha maanka dooriya.
Clik here to view.

Degmada Galdogob ee gobolka Mudug
Jaamac Maxamed Axmed ayaa hadalkiisa ku caddeeyey inay ciidan boolis ah geeyen guddaha saldhiga cusub ee Galdogob kuwaso markiiba sida uu tilmaamey howlhoodi shaqo bilaabey,waxana uu intaa ku darey inay ciidanku gacanta kusoo dhigeen dad ka ganacsanaya wax yaabaha maanka dooriya oo ay khamrigu ka mid tahay xiligaana ay ku xiran yihiin saldhigga dhexe ee degmada Galdogob.
Waxaa arrintan soo dhaweeyey qeybaha bulshada ee ku dhaqan degmada Galdogob iyagoo sheegey inay tahay talaabo muhiim uu ah ammaanka degmada in dib loo howlgaliyo saldhiggii ciidanka booliska.
___________-
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Deegaan1994@gmail.com
Xafiiska Gaalkacyo