Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dowladda Belgium oo sheegtey inay taageeri doonto dibu celinta qaxootiyadda Soomaaliyed ee dalka Kenya jooga

$
0
0
Qaxootiyadda Soomaaliyed ee dalka Kenya

Qaxootiyadda Soomaaliyed ee dalka Kenya

Nairobi[RBC Radio]War kasoo baxay dalka Belgium ayaa lugu sheegey in dalkaasi uu qaban doono shir looga hadlayo arrimaha Soomaalida,waxana ka mid ah qorshayaasha lugu wado in lugu soo qado shirka dibu soo nolenta kaabaysha dhaqaale ee dalka iyo sidii dalka Kenya qaxootiyadda ku nool ee Soomaaliyed dalkooda logu celin lahaa.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi Belgium ayaa si cadd u sheegey in ay doonaya sidii dalkooda dib loogu celin lahaa qaxootiyadda Soomaaliyed ee ku jira xeryaha ku yaala dalka Kenya.

…”‘”Waxaa muhiim ah inay dalkooda dib ugu laabtan dadka Soomaaliyed ee ku jira xeryaha qaxootiyadda ee dalka Kenya,waxan taageeri doona sidii ay dalkooda dib ugu laaban lahaayen…”‘‘ayuu yiri wasiirku.

Belgium waxaa sidoo kale ay sheegen inay gacansiin doonan dalka Kenya oo ah dalka martigaliyey qaxootiyadda Soomaaliyed iyagoona ku taageeri doona ciidii rabta inay dalkooda ku labtan,in lagacan qabto oo la taageero.

R/wasaare ku-xigeenka Kenya William Ruto

R/wasaare ku-xigeenka Kenya William Ruto

Sidoo kale dhanka Kenya waxaa warbaahinta la hadley R/wasaare ku-xigeenka Kenya William Ruto,waxana uu sheegey inay ka mahadcelinayaan hadalkaan kasoo yeerey dowladda Belgium.

Ruto ayaa sidoo kale sheegey in dalkiisu uu yahay mid mar walba jacel inuu gacan siyo dalka ay dhibaatadu ragaadisey ee Soomaaliya,waxana uu soo hadal qaadey gacan siinta nabad galyada ee ay siiyan dowladda Soomaalida.

Hadalkaan ayaa imanaya iyadoo dalka Kenya u marar badan ku cel celiyey in xiligaan ay lagama marmaan ay tahay in dadka Soomaaliyed ee ku jira xeryaha qaxootiyadda ee dalkeeda in dib ay dalkooda ugu labtaan.

Si kastaba dowladda Kenya ayaa ah dalka ugu badan aduunnka ee ay joogan qaxootiyada ugu badan ee Soomaaliyed.

____________
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Deegaan1994@gmail.com
Xafiiska Gaalkacyo

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles