Muqdisho{RBC Radio} Maamulka cusub ee gobolka Galgaduud ayaa baaq u diray shacabka ku dhaqan gobolkaasi,gudoomiya cusub ee gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye Cirfo ayaa ka dalbaday dhammaan shacabka kasoo jeeda gobolka Galgaduud iney ku taageeraan maamulka uu masuulka ka yahay sidii nabad iyo xasilooni uu ugu so dabaali lahaa gobolka.
Gudoomiyaha gobolka Galgaduud ayaa ka codsaday shacabka ku dhaqan gobolkaas iyo jaaliyadaha dibada ku dhaqan ee kasoo jeeda Galgaduud iney maamulkiisa gacan kusiiyaan sidii alshabaab looga saari lahaa deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolkaasi isla markaane awoodda maamulka loo gaarsiin lahaa dhammaan deegaanada gobolkaas.
Xuseen Cali Wehliye ayaa daboolka ka qaaday inaan alshabaab gobolkaas looga adkaan karin hadii aysan gacmaha is qabsadn dhammaan bulshada ku dhaqan gobolka Galgaduud isla markaane aysan is barbar taagin maamulkooda sida uu hadalka u dhigay.
Wuxuuna ku booriyey Jaaliyada reer Galgaduud ee ku nool dunida dacaladeeda iney u istaagaan sidii loo soo celin lahaa amnigii gobolka si loogu tallaabsado horumar,wuxuuna farta ku fiiqay in hadii aan amni la helin ineysan suurta gali karin in horumar kale lagu tallaabsado.
Maamulka Cusub ee dhawaan ay magacawday dowladda federaalka Soomaaliya ee uu gudoomiyaha ka yahay Xuseen Cali Wehliye Cirfo ayaa durba la kulmay mucaaradad iyo diidmo uga imaanaysa maamulka ahlu sunna eoo gacanta ku haya deegaano ka tirsan gobolkaas.