Muqdisho (RBC) Ciidamada amaanka ee dawlada federaalka Soomaaliya ayaa xiray saddex ka mid ah macallimiinta iyo maamulka Jaamacadda Soomaaliya oo ah jaamacadii ay shalay muxaadarada ka jeedisay haweeney siyaasiyad ahayd oo u dhalatay wadanka Sweden taasoo lagu dhaawacay bannaanka xarunta jaamacadda.
Sida ay sheegayaan ilo wareedyo jaamacadda ah waxay ciidamada booliska kaxeeyeen illaa saddex xubnood oo uu ku jiro madaxii xafiiska Akademiyada kuwaasoo la geeyay xarunta dembi baarista CID ee magaalada Muqdisho.
Xubnahan ayaa la sheegay in su’aalo wayediinayo oo ay booliska ka wareysanayeen waxa ay ka ogaayeen qaabkii ay dhacdadii lagu weeraray haweeneyda u dhalatay wadanka Sweden.
Xubnahan ayaa sidoo kale la weydiiyey cida jaamacadda ku casuntay haweeneyda Ann-Margarethe Livh oo ahayd siyaasi ka tirsan xibiga bidixda ee wadanka Sweden taasoo khudbad ka jeediyey jaamacadda shalay, waxyar kadibna khudbadaasi la weeraray oo jidka loo galay.
Maamulka Jaamacadda Soomaaliya ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan macalimiinta laga xiray, iyadoo saraakiisha booliskuna aysan wax faahfaahin ah ka bixinin xariga ay u geysteen xubnaha ka tirsan jaamacadda.
Faahfaahino ku saabsan weerarkii shalay lagu qaaday haweeneyda Ann-Margarethe Livh ayaa muujinaya in weerarka kooxda geysatay oo ahayd saddex illaa afar ruux oo hubeysan ay damacsanaayeen inay afduubtaan haweeneyda caddaanka ahayd.
Weerarkan ayaa waxaa ku dhintay labo nin oo Soomaali ah oo mid uu ahaa boolis iyo mid kale oo ahaa wiil Soomaali ah oo heysta dhalashada wadanka Sweden. Waxaan ku dhaawacmay haweeneyda Swedish-ka ahayd iyo gabar Soomaali ah oo la socotay.
RBC Radio