Hargeysa{RBC} Wararka naga soo gaaraya deegaanada uu ka arimiyo maamulka Soomaaliland ayaa ku warama in xalay uu daad ku qaaday gawaari ay saarnaayeen masuuliyiin iyo waxgarad kasoo jeeda deegaanada Soomaaliland ,shilka ayaa waxa uu dhacay sida aan wararka ku heleyno deegaan qiyaastii 60km dhanka Bari kaga beegan magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Soomaaliland.
Gawaarida ay biyuhu qaadeen oo ahaa 2 baabuur ayaa waxaa saarnaa masuuliyiin iyo waxgarad uu horkacayey wasiirka arimaha gudaha maamulka Soomaaliland Cali Maxamed Waran Cadde,waxaana la tilmaamay iney kusii jeedeen deegaano ka tirsan Soomaaliland oo ay ka jiraan dagaal beeleedyo,waxaana la tilmaamay iney u socdeen xalinta colaadahaasi.
Wasiirka arimaha gudaha maamulka Soomaaliland Cali Waran Cadde oo warkooban siiyey warbaahinta deegaanadaas ayaa waxa uu sheegay in biyaha qaaday gaadiidka ay saarnaayeen ay la tageen mid kamid ah waxgaradka Soomaaliland oo lagu magacaabo Barre Warsame Shire,wasiirka ayaa intaa ku daray inyesan kala saari karin in nabadoonkaasi uu geeriyooday iyo inuu nool yahay.
Kooxaha gurmadka deg degga ah ayaa wada baaritaano ay ku raadinayaan raq iyo ruux nabadoon Barre Warsame Shire,inta badan Dooxooyinka ku yaalla agagaarka magaalada Hargeysa ayaa waxaa ay dhibaato u geystaan xili raaboodka gaadiidka iyo dadka ku safra wadooyinka dhex mara dooxooyinkaas ayey biyuhu la tagaan.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho