Muqdisho (RBC) Sida uu xaqiijiyey afhayeenka taliska AMISOM Col Cali Aadan Xumud waxaa shalay maqribkii magaalada Muqdisho laga duuliyey Ann-Margarethe Livh oo ahayd haweeney siyaasiyad ah oo u dhalatay wadanka Sweden oo lagu dhaawacay magaalada Muqdisho.
Haweeneydan oo ahayd siyaasi ka tirsan xisbiga mucaaradka ee bidixda ee wadanka Sweden ayaa la dhaawacay kadib markii ay weerar ku soo qaadeen rag hubeysan oo watay baabuur wax yar kadib markii ay ka soo baxday xarunta Jaamacadda Soomaaliya ee isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho halkaasoo ay ka jeedisay darsi ay siisay ardayda jaamacadda maalintii shalay.
Weerarkaasi waxaa ku dhintay C/raxmaan Xasan oo ah 24 jir Soomaali ah oo heysta dhalashada wadanka Sweden iyo askari boolis ah oo waardiye u ahaa haweeneyda ajnabiga ah. Waxaana ku dhaawacmay Ann-Margarethe Livh iyo gabar Soomaali ah oo la socotay kana timid wadanka Sweden.
Dhaawaca Ann-Margarethe Livh ayaa la geeyay isbitaalka Xalane ee AMISOM, halkaasoo loogu sameeyay daweyn deg deg ah, waxaana la sheegay in dhaawaceedu uu ahaa mid fudud iyadoo shalay gelinkii dambe loo qaaday dalka Kenya.
Wasaaradda arrimaha dibadda Sweden oo ka hadashay weerarkan ayaa sheegtay in weerarka lagu doonayey in lagu afduubto haweeneyda siyaasiyada Swedish-ka ahayd ee ku sugneyd magaalada Muqdisho.
Illaa hadda ma jirto wax hadal ah oo ay dawlada federaalka Soomaaliya iyo hay’adeheeda amaanka siiyeen warbaahinta kuna aadan weerarka shalay lagu qaaday haweeneydan siyaasiyada ahayd.
RBC Radio