Muqdisho{RBC Radio} Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ahmiyadeeda Koowaad ay tahay xalinta khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka jira xiligan,R/wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa tilmaamay in dowladda federaalku ay ahmiyadda ugu horeysa siinayso sidii loo xalin lahaa khilaafaadka Siyaasadeed ee dalka.
Wasiirka Koowaad ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon ayaa hoosta ka xariiqay iney lagama maarmaan tahay in mar walba oo khilaaf yimaado lagu dadaalo sidii xal loogu heli lahaa waan-waan iyo wadahadalne loogu dhamayn lahaa muranada Siyaasadeed ee dalka ka oogan.
“hadii khilaaf yimaado hala dagaalamo ma aha Siyaasadeennu ee waa hala wada hadlo,qofku xaq buu u leeyahay inuu wax ka cawdo,waxaana nagu waajib ah inaan cid walba talada ka qaybgalino,lana tixgaliyo fikirkiisa iyo damaciisa”sidaasi waxaa yiri R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid.
R/wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ku celceliyey in xalku uusan ku jirin in wax walba lagu xaliyo dagaal iyo xabbad,wuxuuna tibaaxay in sida kaliya ee lagu gaari karo guul Siyaasadeed ay tahay in laga gudbo fikirada ku salaysan in xoog iyo dagaal xalka lagu raadiyo.
Dowladda federaalka Soomaaliya oo xiligan sanad jirsatay ayaa waxaa hor yaala arimo badan oo caqab ku noqday horu socodkeeda,waxaana lagu dhaliilaaa iney ka gaabisay wax ka qabashada arimaha gudaha dalka,waxaana xiligan dowladda haysta Mucaaradad ay kala kulmayso maamulada qaar ee dalka ka jira.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho