Sannad KHasaaray
Dr. Saciid Ciise Maxamuud
saciidciise258@aol.com
Agoosto 22 2013
Clik here to view.

Dr. Saciid Ciise Maxamuud
Gudoomiyaha Xisbiga Dadka
Xisbiga Dadka oo Quudareyey Sannad Ka Qasaaray Shacabka Soomaaliyeed
10ka September hogaamiyaha sare ee dowlada barakeysan wuxuu maamulkiisu jirsadey Sannad, waxeyse dhiilo ka taagan tahay waxqabad muuqda oo la taaban karo oo shacabka loo soo bandhigo lama hayo.Waxaa muuqata in dowlada ay hadda tukubidii ku darsatay iney liicdo oo ay qarka u saaran tahay iney miyir beesho. Muqdisho waxey la ciirciireysa xaalado isbiirsaday oo shacabkeeda u horseedi kara diidmo ay uga soo horjeestaan hogaanka madaxda sare ee dowlada, taas oo ay wehliso khatar aan hadda la saadaalin karin. Dadweynaha Muqdisho waxey dhowrayaan waxa dhaca 10ka September, waxeyna tilmaantu muujineysa in waxa keliya ee ay ku qanci karaan ay tahay isbedel ku yimaada hogaanka dowlada, taas haddii la waayana ay dadku cadaalada ku raadsan doonan gacmahooda. Waxaa aad u rajo yar saadaasha laga qabo in madaxada sare ay iska casilaan xilalka ay hayaan ama in baarlamaanka uu ka keeno codbixin xilalka looga qaadayo.
Madaxda dowlada waxey aamusiyeen oo dabreen inta badan xubnaha ka tirsan baarlamaanka oo musuqmaasuq siyaasadeed lagu geliyey qool. Xildhibaanada qaar waxa jagooyin laga siiyey dowlada oo ay ka yihiin howlwadeeno ka shaqeeya wasaaradaha ama la shaqeeya madaxtooyada. Taas waxey dhalisay in howlwadeenadaas marna ka tirsan baarlamaanka, marna ku dhexmilan dowlada qeybteeda fulinta ineysan awoodin iney ka hor yimadaan rabitaanka madaxda dowlada, taas oo cuuryaamineysa waajibaadkooda xildhibaanimo oo ah iney qareen u noqdaan u hiilinta sharciga iyo rabitaanka shacabka. Waxaa kaloo jira qeybo ka tirsan baarlamaanka oo u abaabulan qaab beeleed iyo koox-diimeed kuwaas oo u heelan madaxda dowlada oo ay ka dhexeyso isku hiilin salka ku heysa kala daneysi gaara. Waxaan sidoo kale aan meesha ka maqneyn koox qowleysato ah oo aaminsan in baarlamaanku yahay suuq lagu kala iibsado codadka, si ku dhisan isafgaradna xaal-mastuur waxkasta lagu dhameeyo.
Rajo xumida ay qabaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed waa mid dareenkeedu gaarsiisan yahay heer uu aad u liito. Waxaa shacabka u soo baxday in madaxda sare ee dowlada ay gacan muuqata shacabka ugu dhaarteen, gacanta kalena ay si qarsoodiya dhaar hoosaad ugu galeen sidii ay dantooda gaarka ah uga hormarin lahayeen mida guud. Shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan waxey waayeen madax daacada oo si ku dhisan wadaninimo shacabka ugu adeega ismaamul Soomaaliyeed oo madaxbanaan. Waxey dadku ay madaxda dowlada ka waayeen iney u soo gudbiyaan adeegyada dowladeed oo shacabku ay baahida weyn u qabaan sida: maamul wanaagsan, amni, xaqsoor, iyo isku xirnaan u dhexeeysa shacabka iyo madaxda dowlada. Waxaa intaas uga sii daran shacabka oo kala kulmay kooxo qaab dowladnimo isku abaabuley oo jid-gooyooyin dhigtay degaanada dhexdooda iyo jidadka waaweyn, kuwo curiyey afduub xeeladeysan oo gabdhaha Soomaaliyeed si adoonimo ah loogu iib geynayo, Waxaa kuwaas ka sii daran kuwo abuuray silsilad xiran oo ka kooban ganacsato burcada oo shacabka lacag beenabuura hantidoodi ku dhacay oo danwadaag la noqday madaxda maamulka gobolka, maxkamada hoose ilaa tan sare, madaxda amniga iyo kuwa degmooyinka, iyo koox si qaas ah ay ugu xiran tahay qandaraasyada shisheeyaha, iyo ugu dambeystii shaqsiyaad ka soo jeeda howlwadeeno ka soo tirsanaan jirey dowladihii dalka soo maray oo wax badan ka haya keydka lahaanshaha dhulka ay dowladu lahaan jirtey ama shisheeye uu lahaa. Midowgaas dhaqan dembiyeedka ku dhisan wuxuu sababay boob loo geysto dhulalkii danta guud ay dowladu ku lahayd, iyo kuwa sida gaarka ah loo lahaa oo dadkoodu ka maqan yahay, waxaa dhacaas barbar socdey muquunis lagula kacay kumanaan qoys oo shacaba rayidka ka tirsan, kuwaas oo dhulalkaas laga barakiciyey iyadoo aysan jirin dib u dejin loo qorsheeyey shacabkaas tabaleysan.
Waxaa shacabka si cad ugu muuqatay in madaxda sare ee dowlada ay sheeda ka daawanayaan dhacdooyinkaas foosha xun ee lagula kacayo shacabka Soomaaliyeed, waxaana aan qarsooneyn in aysan madaxda dowladu awood u lahayn in tilaabo ay ka qaadan kooxahaas fal-dambiyeedyada u abaabulan oo dowlada ku dhex-milan. Waxey shacabku garwaaqsadeen in waraabaha hororka ku ah iyo kan sheeda ka fiirsanaya ay isku mid u yihiin oo aysan jirin farqi u dhexeeya. Mar haddii la waayey madax ku tilmaaman sifada wadaniyad daacada, haddana aysan muuqan aqoon ay ku dhisaan maamul iyo xiriir wanaagsan, shacabka Soomaaliyeed waxaa hubaal u noqotay in madaxda sare ee dowlada ay ku guuldareysatay hogaaminta dalka iyaga oo heystey fursad qiimo badan oo dibeda iyo gudahaba si xoogan looga taageeray. Waxaan marna miro-dhal noqoneyn maamul kasta oo ay horseedayaan madaxdaas oo isku deyaya iney laba-kacleeyaan, iyada oo la ogsoon yahay in dadka u baahan in la turxaan-bixiyo ay xuquuqdoodu difaacan tahay, xogta ay kala hayaan awgeedna ay yihiin lama canaantaan.
10ka September waa maalin ay wada sugayaan shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan, xog-ogaalna ay u yihiin dhaanka dabagaale ee uu horseedka ka yahay hogaamiyaha taladiisu ku soo aruurtay madaxtooyada. Waxaan dheel dheel iyo dheyelsi geli doonin xisaabtanka dhexmaraya madaxda dowlada iyo shacabka oo aysan hureyn in si dhaba oo aan ku dhisneyn caadifad qabyaaladeed iyo marin-habaabin in lagu xiltamo. Waxey maalintaas ay sugayaan mucaaradka gudaha iyo dibeda oo ku mideysan hal mowqif oo ah in hogaamiyaha dowlada uu xilka si nabadgelyo leh isaga casilo. Waxaa hubaal ah in dhaqan burcadnimo ama beelnimo ama koox-diimeednimo aan lagu socodsiin karin dowladnimo Soomaaliyeed, waana kuwaas kuwa wata waxa la doonayo in laga guuro oo hayaanka loogu jiro helitaanka dowlad ka madaxbanaan waxyaabaha soo burburiyey qaranimadii Soomaaliyeed.
Xisbiga Dadka oo ah urur siyaasadeed oo mucaarada wuxuu u soo jeedinayaa shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan inuu ka tashado aayaha mustaqbalkooda, wuxuuna shacabka ku wargelinayaaa in Soomaaliya aysan ka jirin madax dowladeed oo xil iska saareysa waajibaadka faraya iney u adeegto shacabkeeda, ayna ku shaqeyso dareenka ku qotoma rabitaankooda. Wuxuu sidoo kale u soo jeedinayaa caalamka in ay guuldareysatay waxqabadkii laga sugayey madaxda dowlada Soomaaliyeed, dadkuna ay hadda u jeedsadeen sidii ay ula soo noqon lahayeen dowladnimadooda. Xisbiga Dadka wuxuu aaminsan yahay in mucaaradnimada Siyaasadeed ay salka ku hayso fikir siyaasadeed oo la isku maandhaafsan yahay, raadna aysan ku laheyn khilaaf shaqsiya ama caadifad beeleed. Wuxuu Xisbigu rumeysan yahay in mucaaradka iyo muxaafadka ay kala reebto hadba taageerada shacabka meesha ay u badato, maxaayeelay kaadiriinta taageerayaasha u ah madaxda dowlada iyo mucaaradka waxaa u dhexeeya shacabka.
Dr. Saciid Ciise Maxamuud
Gudoomiyaha Xisbiga Dadka
Muqdisho – Soomaliya
saciidciise258@aol.com
==========================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM