Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Ciidamada dowladda oo Goor dhaweyd Bakaaraha ku toogteen nin ay sheegeen inuu alshabaab ka tirsan yahay

$
0
0

Muqdisho{RBC Radio} Ciidamada nabad sugidda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goor dhaweyd gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha ku toogtay nin ay sheegeen inuu ka tirsan yahay alshabaab,dilka ninkan ayaa yimi kadib markii uu dilay askari ka tirsan ciidanka booliska  sida ay ku warameen saraakiisha ciidamada dowladda.

Ninkan ayey sheegeen saraakiishu inuu Xaafadda Siinaay ku dilay askari ka tirsanaa ciidanka dowladda,waxayna sheegeen iney dabagaleen askar ka tirsan ciidanka nabad sugidda si ay usoo qabtaan.

Saraakiisha ayaa intaa ku daray in ninkan markii ay ciidamadu isku dayeen iney qabtaan  uu diiday isla markaane uu dagaalamay,ciidamada ayaa intaa kadib ninkan toogtay,waxayna sheegeen in laga helay Bistooladii uu ku dagaalamayey,iyagoona sheegay inuu ka tirsanaa alshabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa xiligan ku sugan goobta uu yaallo meydka ninka ay saraakiisha ciidamadu sheegeen inuu ka tirsan yahay alshabaab.

Kooxaha  dilalka qorsheysan ka  ka geysta gudaha magaalada Muqdisho ayaa inta badan baxsaday,waxayna saraakiisha ciidamadu ku gaabsadaan iney dilka ka danbeeyeen kooxo aan haybtooda la aqoon balse ay ku raad joogaan sharcigane ay la tiigsan doonaan.

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles