Muqdisho{RBC Radio} Koox hubaysan ayaa maanta agagaarka Km4 ku dhaawacday Haweeney u dhalatay dalka Sweden ,haweeneyda Ajinabiga ah oo ku dhaawacantay weerarka ayaa waxa ay Siminaar ku qabatay gudaha Jaamacadda Soomaaliya oo ku taalla nawaaxiga Km4,mid kamid ahaa ardaydii ay Siminaarka qaadanayey ayaa ka waramaya waxa uu indhihiisa ku arkay.
Goobjoogahan oo kamid ahaa tiro arday ah oo Haweeneydani ay Jaamacadda Soomaaliya ku siisay Siminaar la xiriira barashada Dowlad Wanaagga ayaa ka warbixiyey wixii uu goobjoogga u ahaa,wuxuuna sheegay in Haweeneydan oo uu la socday nin Soomaali ah balse ka tirsan dowladda hoose ee dalka Sweden iyo ilaadadeeda markii ay ka bexeen albaabka xarunta jaamacadda iney weerar la kulmeen.
goobjoogaha ayaa sheegay in markii baabuurka ay saarnayd haweeneyda iyo dadka la socda ay ka bexeen albaabka Jaamacadda inuu ka hor yimi gaari Muraayadihiisu ay Beensal ahaayeen kaasoo ay saarnaayeen rag ku labisnaaa Dirayska ciidanka dowladda kuwaas oo bilaabay iney daaqadaha gaariga kasoo ridaan rasaas aad u fara badan oo ay la dhacayeen baabuurka ay saarnayd Haweeneydan u dhalatay Dalka Sweden iyo dadka la socday.
Kooxdan hubaysanb ayaa rasaas ba’an la dhacay Haweeneydan iyo dadkii Soomaaliyeed ee gaariga la saarnaa,waxaana goobta ku geeriyooday darawalkii iyo Turjumaankii Haweeneyda la waararay,iyadane waxaa weerarka kasoo gaaray dhaawac,waxaana markiiba loola cararay Cisbitaalka Xalane ee ciidanka AMISOM Muqdisho ku leeyihiin.
Kooxda hubaysan ayaa markii ay falkaa geysteen waxa ay ku baxsadeen gaarigii ay wateen waxaana durbadiiba goobta soo gaaray ciidamada amniga dowladda Soomaaliya oo goobta isku gadaamay baaritaanane bilaabay,ma cadda cidda ka danbeysay weerarka lagu bartilmaameedsaday Haweeneydan Ajinabiga ah.