Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20346

Ciidamada Dowladda oo Jowhar ka sameeyey baaritaano dad badan lagu soo qabqabtay

$
0
0

Jowhar{RBC Radio} Ciidamada  Milateriga iyo kuwa nabad sugidda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta baaritaano xooggan ka sameeyey xaafadda Hanti-wadaag ee magaalada Jowhar,hawlgalka ayaa waxaa lagu soo qabqabtay dhalinyaro kor u dhaafaya 40 ruux.

Ciidamada ayaa guri guri u baaray xaafadda Hanti-wadaag dadkii ay kusoo qabteen hawlgalka ayey ciidamadu u gudbiyeen saldhigga booliska magaalada Jowhar halkaas oo su’aalo lagu weydiinayo,gudoomiyaha xaafadda Hanti-wadaag ee magaalada Jowhar Cismaan Gaab oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dadkii ay  hawlgalka kusoo qabqabteen ay xiligan ku xiran yihiin Saldhigga booliska degmada Jowhar.

Gudoomiyaha Xaafadda Hanti-wadaag ayaa sheegay in hawlgalkani uu ka danbeeyey dil xalay xaafaddaas loogu geystay askari ka tirsanaa ciidamada nabad sugidda dowladda federaalka Soomaaliya,wuxuuna daboolka ka qaaday iney hawlgalka wadayaan ilaa ay gacanta kusoo dhigaan kooxihii ka danbeeyey dilka askariga sida uu sheegay.

Askari ayaa waxaa gudaha xaafadda Hanti-wadaag ku toogtay rag ku hubaysnaa Bistoolado kuwaas oo markii ay dilka geysteen goobta ka baxsaday,gudoomiyaha ayaa tilmaamay iney ku raad joogaan dadkii ka danbeeyey dilka askariga mar aan dheereene caddaalada la herkeeni doono sida uu hadalka u yiri.

Amniga magaalada Jowhar ayaa muddooyinkii danbe ahaa mid wanaagsan,waxaana sugidda amniga iska kaashada xiidamada dowladda iyo ciidanka nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20346

Trending Articles