Addis Ababa{RBC} Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Mudane Xasan SH Maxamuud oo ku sugan magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa xalay kulan la qaatay dhinacyada wadahadallada u matalaya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubaland oo ku wada sugan magaaladaasi Addis ababa.
Faarax Cali Axmed qunsulka Soomaaliya ee dalkaas ayaa Idaacadda VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga u sheegay in madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan SH uu xalay magaalada Addis ababa kulan casho sharaf ah ugu sameeyey wufuuda ka kala socota dowladda dhexe iyo maamulka Jubaland ee halkaa wadahallada ku yeelanaya.
Qunsulka ayaa sheegay in madaxweynuhu uu kula dardaarmay dhinacyada iney muujiyaan tanaasul isla markaane ay ka miro dhaliyaan wadahadallada uga furmaya magaalada Addis ababa,madaxweynaya ayaa ku booriyey ergooyinka iney gaaraan Is afgarad horseedo in heshiis buuxa laga gaaro muranka Siyaasadeed ee gobolada Jubooyinka oo in muddo ah soo jiitamayey.
Dhanka kale madaxweyne Xasan SH oo Addis ababa u tagay ka qaybgalka baroor diiq loo samaynayo R/wasaarihii geeriyooday ee dalka Ethiopia Melez Zanawi ayaa wuxuu ku sheegay qudbad uu jeediyey in dalka Ethiopia uu ku hawlan yahay gacan siinta Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan SH Maxamuud ayaa sheegay in dowladda uu hogaaminayo R/wasaare Hailamariam iney go’aansatay sidii ay usii wadi lahayd taageeridda dowladda Soomaaliya,wuxuuna tibaaxay iney ku rajo weyn yihiin in Ethiopia ay Soomaaliya ku garab istaagi doonto sidii ay Soomaaliya markale cagaheeda iskugu taagi lahayd.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho