Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20390

Cadde Muusow haddad Canada ku laabato maxaa kaa halaabaya?! W/Q Axmed Maxamed Alam-tara

$
0
0

Cadde Muusow haddad Canada ku laabato maxaa kaa halaabaya?!
Axmed Maxamed Alam-tara
axmedalamtara@yahoo.com
Agoosto 21 2013

maqaalUgu horeyn waxan salaamayaa madaxda iyo shacabka reer Puntland guud ahaan, waxaana Alle ka baryayaa inuu wixii wanaaggeenu ku jiro ina waafajiyo oo ay ugu horeyso cibaadadiis, intaas ka dib waxaan qoraal lagu faafiyay shabakadda raxanreb oo uu qoray Gen. Cadde Muuse.

Qoraalkan uu soo qoray si uu Gen. Cadde is lahaa ka taxaddar ay u ekaa mid canaad badan iyo xaqiirnimo ay ku dheehantahay, waxaase ka muuqday in General-ku garowsanyahay inu ku gefay ummadda iyo maamulkeeda hasa yeeshee usan quuri kaqrin inuu raali geliyo, taasoo ah cillad ama iin ka muuqata tayada qofnimo ee uu leeyahay Gen. Cadde.

Waxaad moodaa qoraalkiisu inu ku salaysanyahay anigu waxaan rabo ayaan samayniyaa denbina layma qabsan karo waayo Oday Baan Ahay! Hadde sidaasi gartu ma noqotaa?! Haddii xaqiiqda laga leexdo, oo garta la inkiro side baa odaynimo laysugu aqoonsanayaa, tan kale mas’uuliadda uu Gen. Cadde leeyahay “Oday baan ahay xil baa iga saran Puntland ma midda awodda u siisay sida la sheegay inuu ku laayo saraakiishii iyo ciidammadii degmadiisa joogay ee ree Puntland baa? Waxaana is-weydiin qoraalka uu soo diray Gen. Cadde farrintiisa runta maxay tahay?

Ma madax-weyne Faroole ayuu leeyahay wax baad iga qaadi weysay dalkana anigaa kula xukuma oo oday baan u ahay adna madax-weynaad u tahay?! Muxuse fal-danbiyeedka loo haysto oo umadda reer Puntland oo dhan ay wali ka ciil qabto marna ugu xusi waayay qoraalkiisa oo xataa uga tacsiyeeyn waayay xataa haddii uu sameeyay ama uusan sameynba? Mise fariintiisa oo dhan waxay ahayd yaa wax iga qaadi kara, anigaba madax baan ahayee?!!! Afkaago ku xira Alle Goo baa la yiraahdaa…marar badan oo uu Gen. Cadde ka hadlay idaacadda kuwa la dagaalsan Puntland ee Codka Maraykanka (Voice Of America) waxaan soo xasuustay Islaantii lahayd “Ilaahayow hadalkiisana ma rabee iga aamusii!” wax qoritaankiisana ma sidan baa?!

Macnaha guud ee qoraalka Gen. Cadde waxaa ka muuqda isla weynaan aan marna macne u lahayn ama aan u cuntamayn dowladda iyo shacabka reer Puntland isla markaasna aan ku haboonayn inuu la gole yimaado nin xil kas ah oo loo haysto inuu isagu ka dambeeyay fal-danbiyeedkii ka dhacay magaalada Qardho bishii la soo dhaafay (July) 14keedii sanadkan.

Waxaa iyadana weydiin banana ah muxuu Isimmada Puntland ugu yeeriyaa?! Isimmada Puntland ma garan waayin xilkooda inta aan xasusannahayna marna kaalinta u banaanna Isimmadu intay garan waayeen laguma dhaliilin, waxaase yaab leh sababta nin kasta oo danbi ka gala reer Puntland uu ugu galaangasho inay Isimmadu shir isugu yimaadaan, midse dhaqanka Isimmada iyo guud ahaan reer Puntland loogama fadhiyo inay dulmi u hiiliyaan.

Tan kale Gen.Cadde aan weydiiyee Isimmada haddii ay yimaadaan oo aad carooto ama aad xanaaqdo maxaa dhici kara?! Waase su’aalee maxaa arrintii Qardho ka dhacday odayaasha iyo wax-garadka gobolka uga hadli waayeen, waan hubaa in badan oo ka mid ah inay ka xunyihin wixii maalinkaas ka dhacay magaalada, ma la hubaa inaysan adiga kaa baqayn?!

Waxaa wanaagu ku jiray maantana taariikhdaada (Gen.Cadde ahaan) iyo tan Puntland labadaba macne weyn ku yeelan lahayd adigoo buraashaddada soo dhaansada oo markii uu madax-weyne Cabdi-raxmaan Farole ku dhawaaqay inuu joojiyay doorashadii ugu yimaada magaalada Garowe, gogol iyo xaal marina keena haddaad tahay qofka aad hadda rabto inaad iska dhigto (ODAY) Allah maxaad show Fule tahay?!

Waxaan iyadana la qarin karin in si geesinimo ah ammaanna mudan uu madax-weyne Faroole go’aan waajib ahaa uu qaatay uuna muujiyay mas’uuliyad iyo xil kasnimo, waxaana talo wanaagsan ah Gen. Caddow hadadan quuri Karin inaad ummadda ka raali geliso wixii Qardho ka dhacay inaad ka aamusto oo aadan fidno sii hurin, maxaase kaa halaabaya hadaad Canada isaga laabato?! Haddii aadan taas yeelayn waxaad ku fiicnaan lahayd inaad afkaaga ummadda ka haysato! Waa iga talo ehelnimo!

Qoraalkii Gen. Cadde halkaan ka aqri: http://www.raxanreeb.com/2013/08/fariin-ku-socota-faroole-wq-jeneraal-cadde-muuse/

Axmed Max’ed Alam-tara

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20390

Trending Articles